Waa Gob .. Geedku Waa Gob
Saturday - November 16, 2013
Maali maalmaha ka mida Laba Nin oo saaxiib ah ayaa geed hoos fariistay, markay cabaar fadhiyeen, ayaa mid kii kale su'aal weydiiye: Ma maleyn kareysa tirada Noolaha amase bahalada ku nool geedkaan gudihiisa, hoostiisa iyo harerihiisa? waxaan u maleynayaa Toban illa Labaatan in ay yihiin ayuu kii kale ku jawaabay ..kii kale ayaa yiri maya in ka badan kumaan kun noole ayaa ku nool geedka guudkiisa, hoostiisa iyo hareeerihiisa.
Tusaale ahaan ayuu yiri, guudkiisa waxaa ku nool Shimbiro, waxaa ku nool Gor-gor iyo Galeyr, waxaa ku nool Guugle iyo Gumeys, waxaa ku nool Quudan-quuto iyo Qooley waxaa ku nool Xuur, waxaa kale oo ku nool cayayaan caleenta cuna iyo mid ubaxa cuna iyo mid miraha iyo jirifta cuna iyo mid cayayaanka cuna.
Hoostiisa waxaa ku nool Mulac, Mas, Faranfar, is-Xabaal,Hangaraarac iyo Jir-jiroole.
Hareerihiisa waxaa ku nool, Dabagaale, Daanyeer, Caano-qub, iyo Caashaabare.
Ma waxaas oo dhan ayaa ku nool, war geedku qaadweynaa oo dulbadanaa ayaa kii kale yiri
Kii kale ayaa yiri Waa Gob. waa maxay baa tiri kii kale yiri
Waxuu yiri Waa Gob, Geedka waa Gob