Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Ficilooyin Laaluush Iyo Reereysi Lagu Ridaayo PM Saacid Oo Saaka Loo Tafaxeytay

Sunday - November 17, 2013

Mogadisho: Warar laga xigtay wax-garad warkoodu yahay loo qaateen ayaa shaaca ka qaaday in shakhsiyaad ay ka mid yihiin Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Mahad Cawad,Shariif Xasan, Qunsulka guud ee Safaarada soomaaliya kenya Siyaad M. Shire, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ay saaka Magaalada Muqdisho ka bilaabeen qeybinta lacago Laaluush oo lagu ridayo Saacid.

Wararka la helay ayaa xaqiijinaaya in xubnahaas kor ku xusan kana tirsan baarlamaanka ay saakadi hore mogdisho ka kaga hawl galeen in ay lacago u qeybiyaan xildhibaanada baarlamaanka si ay qeyb uga noqdaan mooshin ka dhan ah R/wasaaraha xukuumadda federaalka Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
 
Sida carabka lagu dhuftay guddigan waxaa magacaabay Madaxweynaha iyo la taliyaashiisa Dam-jadiid, waxaana ay isla saaka billaabeen in xildhibaan kasta ay siiyaan lacag u dhexeysa 30 kun ilaa 40-kun oo dollar, ayna ka saxiixaan inuu qeyb ka noqonayo ridista R/wasaaraha, hasse ahaatee waxaa la yiri waxaa ka horyimid qaar ka mid ah xildhibaanada oo gaashaanka ku dhifteen in ay lacago laaluush ah qaataan, balse ay ku tilmaaameen wax waxshnimo ah oo qalad ah.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan oo Guddiga loo xilsaaray dhaqaale qeybinta ka mid ahaa ayaa gurigiisa ugu yeeray xildhibaano baarlamaanka ka tirsan, halkaasoo saaka lacago loogu qeybiyey.
 
Mahad Cawad oo ka mid ah Guddoonka baarlamaanka ayaa isna gurigiisa ku qeybinaya lacagahaasi, halka Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ay hotel City Plaza fariisin ka sameysatay oo ay xildhibaano xulufo yihiin ugu qeybineyso lacagtaas laaluushka ah.
Mid ka mid ah howl-wadeenada Madaxtooyada & Siyaad Maxamuud Shire oo ah Qusulka safaaradda Kenya ayaa iyaguna ku sugan Hotel Jaziira halkaasoo xildhibaanada ay ka saxiixayaan warqado, waxaana hal-ku dhiga kooxaha lacagaha qeybinaya ay ku guubaabinayaan xildhibaanada uu yahay “Madaxweynaha u hiili”
 
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa Guddiga lacagaha qeybinaya waxey weydiiyeen “Haddii aan madaxweynaha ugu hiilino dulmi annaga maxaa innaga haraya.?” sidaa waxaa yiri xildhibaan Maxamed Xassan oo ka mid ah baarlamaanka, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynuhu sharciga ku xagudbay haddii ay dulmi ugu hiiliyaana ay ka dhigan tahay khiyaano Qaran, ayuu yiri xildhibaan Maxamed Xasan oo ka mida raga lacgtaas Uf yiri.