Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

shariif

Monday - November 18, 2013

Mogadisho- Wararka laga helaayo Mogadisho ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ay jeebka furteen, Laakiin cabsi ayey qabaan oo Xildhibaanada intooda badan kalsooni kuma qabaan.
 
Kooxdaan Damu-Jadiid oo la sheegayo intii ay dalka maamulayeen uu dalku galay dib u dhac weyn iyadoo musuq-maasuqoodu soo shaaciye baxay kadib iscasilaadii Gudoomiyahii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya! kooxdaan ayaa la sheegayaa inay aad u doonayeen in hantida Soomaaliyeed ee taala caalamka lagu Wareejiyo accountsyo iyaga gaar u leeyihiin.
Kooxda Damujadid ayaa hadda la sheegayaa inay u yeeeratay Shariif Xasan afhayeenkii hore baarlamaanka soomaaliya kaas oo hadda awood badan ku dhex leh baarlamaanka , iyadoo la sheegayo in. Shariif Xasan loo dhiibay lacago faro badan oo uu ku gado Baarlamaanka, heshiiska Kooxda Damu Jadiid oo ay horboodayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiiru dawlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ayaa la sheegayaa inuu ku salaysan yahay in. Marka koowaad la rido Raisul wasaare. Saacid, markii RW Saacid la ridana la magacaabo Raisul wasaare kasoo jeeda Kooxda. Damu Jadiid,

Gudoonka Baarlamaanka ayaa la doonayo in lagu bedelo Prof. Jawaari.
 
Madaxweyne Hassan Sheekh iyo Faarax Cabdulqaadir ayaa usoo jeediyay shalay Raisul wasaare Saacid inuu qaato lacag gaaraysa 3 milyan Doolar uuna is casilo, qorshahaan oo uu Raisul wasaare Saacid ku gacan seyray
Wasiirka awooda badan Faarax Cabdulqaadir oo hadda danaynaya Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ayaa ugu hanjabay Raisul wasaare Saacid hadii uu Lacagtaan qaadan waayo in lacagahaas loo wareejin doono in lagu iibiyo Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay in codkoodu uu lacag yahay, ayaa si fiican u garanayaan xubnaha Baarlamaanka hankooda iyo balanqaadyada ay danaynayaan oo ku qancayaan.
Raisul wasaare Saacid ayaa ku gacan seyray qorshahaas Lacagta ah sheegayna in. Baarlamaanka uun ku kala baxayaan, rail wasaare SAACID ayaa sheegay in muddo sanad ah aan idinka gaabsaday oo aad gacanta ku hayseen hawlihii Xukuumadda, aadna damacdeen wax kasta oo Fashil ah oo yimaadana aad dhahdaan Xukuumadda ayaa hawsheedii gudan weysay ee waa inaad is casishaa Taas oo ah mid aanan qaadan karin.
Damujadid oo go,aan ku qaatay in Mooshin laga geeyo Xukuumadda si degdeg ah.
Kooxda Damujadid oo maharaha uhaaya Madaxweynaha , aaminsana inay doorashada Madaxweyne Hassan Sheekh iyagu maalgashadeen, leeyihina go,aanka dawladda Soomaaliya ayaa go,aan ku gaaray in mooshin laga geeyo xukuumada Raisul wasaare Saacid, kadib markii ay ku fashilmeen isku day kasta oo ay doonayeen in Raisul wasaaraha ku qanciyaan inuu is casilo , qaatana lacag dhan 3 milyan Doolar.
Qorshahaan mooshinka looga keenayo Xukuumadda ayaa la sheegayaa in saxiixida mooshinka lagu bixinayo lacag gaaraysa 13kun Doolar,
Qorshahaan ayaa la sheegayaa inuu xalay ay Kooxda Damu Jadiid ka bilaabeen magaalada Muqdisho , sidoo kale Kooxda Damujadid ayaa bilaawday qorshe xubnaha Baarlamaanka ee caalamka ku kala maqan loogu yeerayo inay si degdeg ah kusoo galaan iyada oo la dirayo tasiilaadka ay u baahan yihiin.
Lacagta shalay ilaa iyo xalay Hotelada Muqdisho la wareejinayay ayaa waxaa qeybinayay Qunsulka Guud ee Safaarada Soomaaliya kenya Siyaad Maxamud Shire oo Xildhibaanada u sheegaya in beesha Caalamka ka biya diidsan tahay waxqabad laÂ’aanta Saacid waa sida uu hadalka u dhigay.
Qorshahaan saxiixida mooshinka ayaa waxaa Kooxda Damu Jadiid la wada Shariif Xasan Sheekh Aadan afhayeenkii hore baarlamaanka soomaaliya oo gacanta loo geliyey aduun lacageed gaaraya milyan iyo Shan boqol Doolar,
Qorshahaan waxaa qeyb ka ah booking xaga diyaaradaha loo samaynayo Xildhibaanada taageersana Kooxda Damu Jadiid, sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ee dibadaha ku maqan kuwaas oo la aaminsan yahay inay Madaxweynaha iyo Kooxda Damu Jadiid kasoo horjeedaan ayaa la diyaariyey qorshe ah in shirkadaha diyaaradaha ka hawlgala Soomaaliya inaysan keenin gudaha dalka Soomaaliya.
Shirkadahaan ayaa la siiyey magacyada qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya oo la geliyey black list, iyadoo hadii ay booking samaystaan loo sheegayo in diyaaradu buuxdo,shirkadaha ayaa lagula heshiiyey halkii booking oo Xildhibaan mucaarad ah oo ay usheegaan in diyaaradu buuxdo in Bedelka Halka qof lasiinayo Lacagta 5 ticket oo Mogadisho ah.
Isku soo wada duube waxaa la sheegayaa in maalmaha soo socda Baarlamaanka lagu kala bixi doono iyadoo Kooxda Damu Jadiid iyo Shariif Xasan ku hawl galayaan in Baarlamaanka la gato Halka Raisul wasaare Saacid iyo taageerayaashisuna ku hawl galayaan xukuumada ay dhisi doonaan mooshinkaan hadii ay ka gudbaan inay noqon doonto xukuumada ka timaad Baarlamaanka iyo qofkii Baarlamaanka taageero ka heysta, iyaga oo halkidhigoodu yahay ka badbaadi dadkaaga kooxdii diimeedka Damujadiid oo aaminsan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyaga loo hibeeyay, iyagoo damacsan in hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dibadaha taalna ay jeebabkooda ku shubataan, Arintaas oo ah arinta keentay in Gudoomiyahii Bankiga Soomaaliya uu is casilo, iyadoo ka baxday in laba qaarajiyo, kadib markii ar ka hor timid damacii waalnaa ee Kooxda Damujadiid.
Kooxda Damu Jadiid ayaa bilaawday inay siyaasiyiiin badan oo Soomaaliyeed u sameeyeen balanqaad ah inay Raisul wasaare ka dhigayaan balse shaqsiga ay wataan oo ay rabaan inay booskaan siiyaan uu yahay ninka lagu magacaabo Doodishe oo kasoo jeeda Beesha Mariixaan. Shaqsiyaadka Kooxda Damu Jadiid balanqaad yada danaha siyaasadeed laga leeyahay oo ay usheegeen inay ka dhigayaan Raisulwasaaraha ay ku bedelayan Saacid ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin, Cali Xaaji Warsame oo ka soo jeeda Puntland , oo ahaa gaasimihii shirkadaha Golis, haatana u taagan madaxtinimada Puntland, Mohamed Barre oo Puntland kasoo jeeda, Hussein Cabdi xalane oo ogaadeen ah iyo Ismail Hurre Buuba.