Dagaal U Dhaxeya Habargidir Iyo Biyo Maal Oo Mar Kale Ka Soo Cusboonaaday Sh/Hoose
Monday - November 18, 2013
Dagaal doc ka weerar iyo dooxeysi ka socda No. 50 ayaa iminka la sheegaya iney ku gacan-sareyaan dadka deegaanka oo ay dib u durkiyeen ciidamadi tuuteysnaa,iyadoo la xusay in ay halkaas ku geeriyoodeen in ka badan 20-Qof oo isugu jira Ciidan tuutaha Dawladda gashan iyo maleeshiyo u badan reerka Biyo Maal .. dagaalka gurmad taakuleyn iyo buun-yeeris ayey labada dhinac ka wadaan oo goobaha rasaas iyo ciidanba la soo gaarsiinaya, inta badan taakuleyntaasna waxay ka iimaaneysa dhinaca mogdisho iyo afgooye iyo gaar ahaan ceelasha biyaha .. illa iyo haddana dhinac dawlada ma bilaabin wax talaabo samata-bixin ah oo ay dagaalkaas ku joojiyaan, waxayse odayaasha Biyo Maal cabasho ka muujiyeen xagal-daacsanaan in ay ka jirto xaga dawlada raali ka tahay xasuuqa reeraha biyo Maal oo la doonaayo in dhulkooda la xaraashto, hasa-ahaate waxay kalo warkooda si raaciyeen ineysan gefka iyo xumaanta gacanta aysan ka laaban-doonin
Dhinaca kale dagaal kale ayaa isagana ka qarxay Degmadda iyo keymaha Janaalle oo iyagana u dhexeeya Ciidamo sheeganaya inay yihiin Ciidanka Dawladda federaalka oo intooda badan sida la carbaabay ka soo jeeda beesha Habar gidir iyo maleeshiyaad ku abtirsada Qabiilka Biyo Maal.