Qunbulado Rasaasa iyo Balo Qiiqeysa Oo Lagu Harqiyey Saldhigi Ciidamada Jabuuti Ee Baladweyne
Tuesday - November 19, 2013
Baladweyne- Wararka goordhaweyd naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu goor dhoweyd ka dhacay xarunta saldhiga u ah ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ee magaalada Beledweyn, waxaana la sheegay in xoogag hubeysan ay gudaha u galeen saldhiga, oo halkaas dhiigu qubanaayo.
Goob joogayaal ayaa cadeeyey in intaan weerarka lugta ah dhicin u marki hore halkaas gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay afaafka hore ee Saldhiga, kadibna rag hubeysan oo tiradooda aan la sheegin ay gudaha u galeen saldhiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xoogaga hubeysan ee ka tirsan Shabaab ay heystaan saldhiga, isla markaana gudaha saldhiga ay ka socoto is rasaaseyn.
Waxaa ilaa iyo hada xadidan wararka laga heli karo magaalada, iyadoo si guud magaalada uu saameyn ugu yeeshay qaraxa iyo weerarka tooska ah ee iminka socda.
Weerarkan ayaa u muuqaal eg weeraro horay uga dhacay Muqdisho oo isugu jiray qaraxyo iyo rasaas toos ah, iyadoo uu noqonayo weerarkii labaad oo lagu qaado Beledweyn muddo labo bil gudahood.