France- Portuqal- Greeca-Croatia Oo Buuxiyey Booskii Wadamada Yurub Ee Uga Harsanaa Koobka 2014
Wednesday - November 20, 2013
Wadamada Portuqal,Franca,Grreca iyo Croatia ayaa buuxiyya Boosaskii ka dhinaa Qaarada yurub wadamada uga qeyb Galaya Koobka Aduunka 2014 ka dib Markii ay reebeen Dalalka Sweden,Ukrain,Romania iyo Iceland
Natiijadaan Xalay ka soo ifbaxday Lugta 2 ee Play Offka Koobka Aduunka 2014 ayaa waxa ay ka dhigeysaa Qaarada yurub inay sidaasi ugu Buuxsameen 13ka wadan e eu matali doona hadii Alle idmo Koobka Aduunka 2014.
Ronaldo ayaa isagu lugtiisa ku reebay Swden ka dib Markii uu 3ley ka dhaliyay Xalay,horayna uu uga soo dhaliyay Goolkii ay Portuqal uga badiyeen Sweden,halka Ibrahimovic uu u dhaliyay 2 gool ee ay Swden ku hartay Xalay loogana badiyay.
Franca ayaa 3-0 uga faraxalay Ukrain oo horay 2-0 uga soo badisay waxana guushaan ay Faransiisku u mareen wadada adag ay markaasi u suurtagalisay inaysan ka harin Koobka Aduunka 2014
Greeca ayaa isna barbardhac 1-1 ku soo baxay kulankii Romania waxaana giriigu horay ugu badiyeen 3-1 Ciyaartii martida loo ahaa Garoonkooda.
Croatia ayaa iyaduna iska reebtay iceland waxaana ay ku quusiyeen lugtii 2aad ee kulmada Play Offka 2-0 Maadam tii hore ay ku kala baxeen 0-0
Hadaba la arki doonee 12-6-2014 Koobka Aduunka ee ka curan Doona Brazil waxa ay kal kulmaan 13ka dal ee matalaya Qaarada Yurub walow aan looga baran marka lagu ciyaarayo Laatiin ameerika in yuruub ay soo hantiyaan Koobkaasi.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed CabdulleUurdoox