Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

PM Saacid Oo Saxiixi Bangiga Laga Joojiyey Iyo Wasiirka Maaliyada Oo Diiday Amarka Madaxweynaha

Wednesday - November 20, 2013

Mogdisho-Xigasho Shacabkamedia- Madaxweyanaha Dawladda Federaalka Xasan Culusoow oo la kulmay shaqaalaha Bangiga-dhexe oo badankood u badan Beeshiisa,marka laga reebo Wasiirka Maaliyadda oo nin jilicsan lagu xanto ayaa amar ku siiyay shaqaalaha Baniga inaysan wax lacag ah siin-karin Reysalwasaaraha Saacid-Jaceyl.

Amarkaan u soo rogay madaxweyne Xasan ayaa dhabar-jabin xoog ah ku noqoneyso Reysalwasaaraha oo hadda meel cidlo ah ku soo dhacay,marba hadii Bangiga-Dhexe laga joojiyay in saxiixiisa lacag lagu bixiyo.

Waskiirka Maaliyadda Maxamuud Saleebaan (Cawil) ayaa diiday amarka Madaxweynaha waxaana uu si toos ah ula saftay saaxiibkiis,waxay u badan-tahay Reysalwasaare Saacid hadii xilka laga qaado in Wasiirka Maaliyadda isagana uu xilkiisa weyn-doono,maadaama uu la saftay Reysalwasaare Saacid.

Saxiixa Saacid ee laga mamnuucay Bangiga-Dhexe ayaa loo arkaa cadaalad-darro iyo bahdilaad lagu sameeyay Reysal-wasaaraha,inkastoo Xildhibaanadda Beesha Daaarood oo falkan ka war-helay ay Saacid ku eedeeyeen inuu mar-hore ka diiday inuu Xildhibaanadda Beeshiisa la tashto,maanta oo  meel-cidlo uu ku soo dhacayna aysan u hiilin-karin,maadaama xiligii hiiladda looga baahnaa arinta Jubbaland uu ka seexday diidayna markii uu Kismaayo tagay inuu Jaamacadda ku booqdo 550-Ergo ee 3-da Gobol ee Jubooyinka iyo Gedo ka yimid