Diyaaradihii Somali Airlines Oo Dib Loo Hawlgalinaayo Dhawaan
Thursday - November 21, 2013
Muqdisho(RH) Hey'adda Skyliner Aviation ayaa shaacisay Arbacadii shaley in toddobaadyada soo socda ay dib u howlgali doonto shirkadii diyaaradaha Somali Airlines.
Warka ka soo baxay hey'addan ayaa lagu sheegay in howsha lagu billaabi-doono labo diyaaradood oo waaweyn kuwaasoo ay ku qoran yihiin astaantii lagu aqoon jiray diyaaradda Soomaaliya lagu saaray magaalada Budapest ee xarunta dalka Hungary.
Noocyada diyaaradaha ay howlgelinayso shirkadda Somali Airlines ayaa kala ah: SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438), iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo diyaarad ay Soomaaliya leeyahay 23-sano kaddib ay kasoo dagto garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Somali Airlines ayaan shaqeyn tan iyo markii uu dalku burburka galay 1991 oo laga joogo 23-sano, waxaana xilligaas howlgalayay saddex diyaaradood oo noocoodu ahaa B720Bs, B707-300s iyo A310-300s, kuwaasoo ku tegi jiray duulimaadyo dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamka, sida bariga dhexe iyo Yurub.
Tallaabadan ayaa waxay soo celinaysaa howlihii shirkadda Somali Airlines ay u haysay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo haatan ay dalka ka shaqeeyaan diyaarado laga leeyahay dalal kala duwan oo caalamka, kuwaasoo u kireysan ganacsato Soomaaliyeed.