Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

UN Monitoring Group Oo U Yeertay Mahad Cawad, Khadiija ilkacas, Shariif Xasan

Friday - November 22, 2013

Mogadisho- Hayádda Monitoring Group oo loo asteeyey ka hortaga colaadaha, xasaradaha & musuq-maasuqa ayaa madax ka tirsan hayádaasi waxay maalinimadii shalay u yeereen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, agaasimaha madaxtooyadda & qunsulka safaaradda Soomaaliya u fadhiya Kenya, waxaana xubnaha loo yeeray ay qeyb ka ahaayeen Guddigii madaxweyne Xassan Shiikh u magacaabay in ay lacago u qeybiyaan baarlamaanka si loo rido R/wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shire (Saacid).
 
Kulankan oo ka dhacay xafiis hayádaas ku leedahay deegaanka Xalane, waxaa ka hadlay Dr. Jarat Chopra oo ah xiriiriyaha guud ee Hay’adda, wuxuuna kaga digay xubnahan in hayáddu ay indhaha ku haysay dhacdooyinkii siyaasadeed ee u dambeeyey ee Muqdisho ka dhacayey, ayna u aragto in xubnahani lacagaha ay xildhibaanada u qeybinayaan in aysan aheyn kuwa sharciyad ku fadhiya, laguna tilmaami karo musuq-maasuq (corruption) ay ji-deynayaan.

Jarat Chopra wuxuu sheegay in hayádda Monitering Group ay ka digeyso in xildhibaanada baarlamaanku & masúuliyiinta hayádaha dowladda ay ku lug yeesheen musuqmaasuq, isaga oo tilmaamay in haddii xubnahaasi ay ku sii jiraan howsha ah lacagaha laaluushka ah ee ay xildhibaanada u qeybinayaan in hayáddan u aqoonsan-doonto qaswadayaal.
 
“ Waxaan uga digeynaa shaqaalaha dowladda & xildhibaanda in ay ka digtoonaadaan marxalada adag hadda lagu jiro, lana ixtiraamo dastuurka dowladda ay ku shaqeyneyso” ayuu yri Jarat Chopra.
 
Khadiijo ilkacas oo kulankaasi ka hadashay ayaa beenisay in ay lacago xildhibaanada u qeybiyeen, hasa ahaate waxay masúuliyiinta hayadu sheegeen iney hayaan cadeymo rasmi ah oo muujinaaya in xubnaha ay u yeertay ee xildhibaanada u qaybinaysey lacag laaluusha.