Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Xildhibaano Ka Hadlay In M/weyne Xasan Ololihiisa La Dagaalanka Saacid U Adeegsado Hantidi Ummadda

Saturday - November 23, 2013

Mogadisho- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa baaq u kala diray Guddoomiyaha baarlamaanka Maxéd Cusmaan Jawaari & Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Jeylaani Nuur Iikaar, waxaana baaqani ay ku sheegeen, in ummadda Soomaaliyeed & beesha caalamka ay ka dhursugayaan tillaabada ay qaadi doonaan xildhinaabada haddii baarlamaanka la horgeeyo mooshinka laga soo abaabulay Madaxtooyadda.

Xildhibaanadan waxey eedeyn dusha uga tuureen Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mahad Cawad, oo ay sheegeen inu si weyn ugu dhex milmay lacagaha loo qeybinayo qaar ka mid ah xildhibaanada si xildhibaanadu u saxiixaan mooshinka, isaga oo ka mid ahaa Guddigii loo xilsaaray lacag qeybinta.

"Mahad Cawad isaga ayaa shir guddoonka u gudbiyey mooshinka, qoraalka mooshinkana shaabada ku dhajiyay" ayuu yiri xildhibaanka.

" Mooshinka loo geeyey Guddoonka baarlamaanka ma ahan mooshinkii baarlamaanka ee wuxuu ahaa mooshinkii Madaxtooyadda" ayey yiraahdeen xildhibaanada baaqa diray, waxeyna intaa ku dareen in Mahad Cawad oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad inuu ku lug yeeshay musuq-maasuq.
 
"Guddoomiyaha baarlamaanka & Guddoomiye ku xigeenka ha ogaadaan Soomaali meel kasta ha joogtee & beesha caalamka iyaga ayeey indhaha ku hayaan, waxeyna Soomaali markhaati ka noqon doontaa haddii baarlamaanku xaqa u hiiliyo & haddii xildhibaanadu dulmiga ay garab siiyaan, waxaan rajeyneynaa in baarlamaanku dib u soo celiyo sumcadii baarlamaan lahaan jiray, maadaama mooshinka hadda la horgeeyey baarlamaanku yahay mid aan sharciyad ku fadhin, lagana soo abaabulay Madaxtooyadda" ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xildhibaanadii ka hadlay, wuxuuna xusay in R/wasaare Saacid lagu qabsaday shaqadiisa.

" Shaqadii baarlamaanka ayaa la qaatay, waxaa la arki jiray mooshin baarlamaan laga soo abaabuo, waxaa baarlamaanka la horgeeyey mooshin madaxtooyo laga keenay" ayuu yiri xildhibaankaas, isaga oo intaa ku daray in madaxweynuhu inuu ololahiisa u adeegsaday hantidii ummadda.

"Xildhibaan kasta waxaa la siiyey inta u dhexeysa $ 30.000 ilaa $ 40.000 lacagta intaas laég ee lagula dirirayo R/wasaare sharci ah halkee laga keenay.?" ayuu yiri Xildhibaankaas.