PM Saacid Sowkan Kaarka Ku Rogay Kooxdi Dam-Jadiid
Sunday - November 24, 2013
Mogdisho- Muran iyo dood xiiso leh ayaa ka dhalatay mooshinkii maanta fashilmay ee kooxda Damu Jadiid oo hareeysay bulshada Muqdisho iyo gaar ahaan beesha caalamkaba kadib waa markii la ogaaday in liiska Xildhibaanada mooshinka loo gudbiyay gudoonka baarlamaanka ay ku jiraan Xildhibaano dhintay sida allaha u naxariistee Cumar Isloow.
Sida muuqato baarlamaanka Somalia wuxuu wajahayaa xaalad adag oo sababi karta inay laba garab u kala jabaan ,oo garabka taabacsan Ra'isulwasare Saacid doortaan Gudoomiye hadii Mohamed Cismaan Jawaari garwaaqsan-waayo inuu ka laabto go-aankiisa qaldan.
Gudoomiye Jawaari wuxuu Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia u qeybiyay dukumenti kooban ee aan laheyn lifaaqa mudanayaashii saxiixay mooshinka tiradeey yihiin iyo magacyadooda taas oo ka dhigan fadeexadii ugu xumeeyd ee taariikhda ka dhacda golaha Wakiiladda Somalia.
Gudoonka Baarlamaanka Somalia waxay doonayaan inay sabtiga bilaabaan ka doodista mooshinka iyagoo aan Mudanayaasha u qeybin liiska Xildhibaanada dalbaday mooshinka.
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka wuxuu ku dalbaday in mudanayaasha saxiixay mooshinka farta taagaan laakiin Xildhibaanadii mucaaradka ayaa hoos u hogtay oo ku dhici waayay inay is baraxaan oo qadiyadooda cadeeystaan.
Kooxda u safan dhinaca Ra'isulwasare Saacid ayaad mooda iney ciyaarta socota ila iminka ay iyagu watan, hasa-ahaate kooxda la safan dhinaca Dam Jadiid ,waxay qabaan in talo faraha ka baxday oo sida Fiinta Roobka soo socda ay la ooyi-doonaan.
Kooxda raacsan Ra'isulwasaare Saacid waxay ku doodayaan in liiska mudanayaasha ee loo gudbiyay gudoonka yahay mid been abuura oo xitaa lagu daray Xildhibaano dhintay iyo kuwa ka maqan dalka.
Kooxda Damu Jadiid niyad jab ayaa ku dhacay waxaana xaaladu geleeysaa jawigii is qabqabsiga,kuraas isku tumista iyo burburinta hanaanka Dowladda Somalia.
Arrimahaani waxay dhacayaan xilli gudigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee arrimaha Somalia shalay la kulmeen Madaxweyne Garguurte,una sheegeen inay xanibayaan dhaqaalaha Dowladda Somalia ee Caalamka yaboohay hadii uusan deg deg uga laaban ololahiisa xilka qaadista Ra'isulwasare Saacid,
Gudigga Qaramadda Midoobay iyo beesha caalamkaba, waxay qorshaha socda u arkaan in lagu qarinayo fadeexadii musuqmaasuqa ee Gudoomiyahii bankiga dhexe isku casishay.