Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Maanta Amartay In La Xiro Maamulaha Idaacada Shabeelle

Monday - November 25, 2013

Muqdisho (RH) Maxkamad gobalka Banaadir ayaa maanta amartay in la xiro weriye iyo maammulaha idaacadda Shabeelle oo loo haysto inay fidiyeen warka gabar sheegtay in la kufsaday.

Agaasimaha Shabeelle Cabdimalik Yusuf Maxamuud iyo weriye Maxamad Bashir Xaashi ayaa lagu soo oogay inay war been ah ku qoreen bogga Internte-ka ee Shabeelle.

Gabadha la sheegay oo lagu magacaabo Faaduma Cabdiqaadir waa 19-jir  waxay dhawaan sheegatay in ay kufsadeen laba kamid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Radiyaha Dowladda.

Labada Suxufi, ayaa waxaa lagu heystaa kiiskaan, oo lagu tilmaamay mid been abuur ah, inkastoo ay Dowladdu diiday in ay baaritaano ku sameyso gabadha sheegatay in la kufsaday. Waxa ka jira sheega-shadeeda.

Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa waxaa maanta la hor keenay Wariye Maxamed Bashiir iyo Faaduma C/qaadir iyo labada Suxufi ee la sheegay, in ay geysteen kufsiga gabadha Suxufiyada ah sheegatay.

Guddoomiyaha Maxkamada Maamulka Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, ayaa wuxuu amray in Xabsiga dhexe ee Xamar loo wareejiyo agaasimaha Idaacada Shabelle mana cadda waxa keenay xariggiisa.