Khilaaf Ka Dhex Curtay Gudoomiye Jawaari Iyo Ku Xigeenkiisa Mahad Cawad
Tuesday - November 26, 2013
Muqdisho- AGGM -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in khilaaf cusbi ka dhex curtay gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo gudoomiye ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad.
Khilaafka labadan masuul ayaa waxa uu salka ku hayaa ka dib marki gudoomiyaha Baarlamaanka oo dalka ka maqan Xildhibaano uu horboodayay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo lacago ka soo qaatay Madaxweyen Xasan ay u ololeeyeen Mooshin ka dhan ah Xukuumada R/wasaare Saacid islamarkaana laga dhigay in loo gudbiyay ku-simaha gudoomiyaha Baarlamaanka waa isla Mahad Cawad uuna ka aqbalay mooshinka ay soo gudbiyeen Xildhibaanada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu ku eedeeyay Mahad Cabdalla Cawad inuu u fududeeyay khilaafki u dhexeeyay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha inuu foowdo ka dhaliyo golaha shacabka iyo in Mahad Cabdalla Cawad qeeyb ka yahay foowdadi ka dhacday golaha shacabka Axadi la soo dhaafay.
Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada ayaa warbaahinta Caalamiga waxa uu xaqiijiyay in gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku eedeeyay Mahad Cabdalla Cawad Mahad Maxaan Cunaa uu la socdo inuu Xildhibaanada u qeeybinayay lacagaha islamarkaana uu yahay laaluush qaate aan dhoowrayn sharciga, haba yarate aan qaadi karin wax masuuliyad ah.waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaankae
Xildhibaankan ayaa waxa kale uu sheegay in Mahad Cawad marki mooshinka la keenay Baarlamanka waxa uu sameeyey
wax ay dhamaan Xildhibaanada la yaabeen lana arkay isagoo u baaqaya Xildhibaanadi ay laaluushaka ay wada qaateen gacmahana isku garaacaya arintaas oo ay Xildhibaanada Mooshinka ka soo horjeeday u garteen inuu leeyahay "Sabciya" taaso oo dhalisay Mudane ka mid ah Xildhibaanada inuu ka kaco kala fadhiga Baarlamaanka oo irida hore laga soo celiyo si uusan uga bixin, mudanahaas oo magaciisa loogu sheegay Xildhibaan Cabdiqafaar.
Dhinaca kale Gudoomiye Jawaari ayaa waxa uu aad uga carooday Mooshinka aan dhameeystirnayn kadib markii liiska Xildhibaanada soo gudbiyay la qariyay taas oo ay Xildhibaanada Mooshinka ka soo horjeeda ku sheegeen inay hayaan xog cadeeymo leh sheegaysana in lagu been abuurtay qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeeday Mooshinka oo laga dhigay inay taageersan yihiin Mooshinkaa dhicisoobay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa waxaa laga soo sheegayaa inuu aaminsan yahay fikirka ah in Xildhibaanada ay
dhex dhexaad ka ahaadaan arrinta khilaafka Madaxda dowladda, kuna Xaliyaan Dastuurka, waloow isagoo dalka ka
maqan golihi shacabka uu Mahad Cabdalla Cawad ka dhigay goob lagu dheelo khamaarka lacagna lagu kala helo.
Isku soo wada duuboo waa marki ugu horeeysay oo khilaaf baaxadan leh uu dhexmaro Gudoomiyaha Baarlamaanka
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ku Xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad, waxaan khilaafkan sabab looga dhigay
safarki Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku tagay dalka Kuwait oo Xildhibaanada qaarkood ay u arkaan inuu ahaa shirqool
ay soo maleegeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo koox diimeedkiisa Damu Jadiid.