General C/samad Cali Shire Oo Talex Qabsaday
Thursday - November 28, 2013
Taleex- kaddib dagaallo u dhexeeya malleeshiyooyin kasoo wada jeeda gobolka Sool haseyeeshee kala taageersan siyaasadaha Khaatumo iyo Puntland maalintii shalayto ka bilawday Degaannada Taleex oo katirsan gobolka Sool.
Waxa xalayto dhinaca magaalada Garoowe kasoo ambabaxay M/weyne-kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo wata gaadiidka teknikada iyo ciidanka PS-ta loo yaqaanno. Waxana Generaal-C/samad iyo ciidankiisu weerar ku galeen gudaha magaalada Taleex oo ilaa xalayto uu ku sugnaa Col-Indhasheel iyo ciidan-beeleedka dhiniciisa taabacsan ee uu hoggaaminayo. Halkaas oo ilaa hadda gacantooda ku jirta.
Col-Indhasheel iyo ciidankiisa oo iyaguna ku war helay duullaanka C/samad Cali Shire iyo ciidankiisa ayaa waxay halkaas Taleex uga bexeen dhinaca buuraleyda galbeedka.
Waxana weerarka ciidanka Garoowe kaga yimid Taleex ku galeen sda inkastoo aan xaqiiqada welila helin wararka aannu ilaa imminka helnay sheegayaan ay ku geysteen khasaare dhimasho ilaa (11) qof iyo dhaawacyo aan tiradooda la sheegin iyo khasaarayaal kale. Sidoo kalena guryaha Taleex ciidankani ka baarayaan hub iyo ciidammo halka ku dhumaaleysanaya, waxaana la sheegay in magaalada caawa ay korontada ka maqantahay.
Sikastaba ha ahaatee dagaalladan ka bilawday degaannadan gobolka Sool oo ay kala hoggaaminayaan saraakiil iyo madax sar-sare oo dhammaantood isla beeshan kasoo wada jeeda ayaan la saadaalin Karin halka ay sal dhigi doonaan iyo saamaynta xaaladdan cakirani ku yeelan doonto bulshada isku haybta ah ee dagaal-beeleedyadani ka dhex qarxeen.