Xigasho- Newsomali- Khilaafka u dhaxeeya Maleeshiyaadka shabaab ayaa sii xoogaystay iyada oo Godane oo sii wata xasuuqii Horjoogayaasha Shabaabka oo ay bari isku jaal ahaayeen, kuna midoobeen in-xiraafka Diineed iyo naxariis darrada ay ku hayeen shacabka Soomaliyeed, taasoo ugu danbeyn dhaxal siisay in uu Godane horjoogayashiisii midba maalin liqo,
Hore waxa uu u khaarijiye Godane Horjoogayaal isugu jiray somaali iyo ajnabi caan ahaa oo horboodi jiray Shabaab, Waxaana ugu muhiimsanaa
1. Ibraahin Xaaji Jaamac Miicad (ibraahim Afqafaan)
2. C/xamiid Sheikh Xaashi Colhaye, (Macalin Burhaan)
3. Jiinoow Ibraahim (Macalin Jiinoow)
4. Cumar Xamaami (Abu Mansuur Amriki)
5. Zubeyr Al-muhaajir,
6. Horjoogayaal iyo maleshiyaad kale oo badan
Hadda waxaa waqtigaan kawaanka Saaran, Daahir C/lle Toxob iyo Yuusuf Sh,Ciise oo loo yaqaan KABA-KU DAKADE.
Waxaa xabsi aan la garaneyn loo taxaabay Yusuf Sh,Ciise Kaba Ku Dukade oo Axmed Godane wakiil uga ahaa Gobalka Sh/dhexe iyo Daahir C/lle Toxob (Daahir Gacaney) oo maleshiyadka shabaab u yaqaaniin Cabdul Xaq oo hore u ahaan Jiray qaaliga guud ee Shabaab.
Sababaha Khilaafka Daahir Gacaney iyo Godane.
Sababaha inta aan sheegin ka hor sida caadada u ah Axmed Godane Qofkii uu rabo in uu khaarijiyo waxa uu u soo maraa Laba jid, Marka hore wuxuu ka wareejiyaa xilka, Kadibna waxa uu ugu yeeraa Dowro Ama Siminaar, si ay ugu fududaato in uu baylah ka helo, markii hore waxaa xilka laga wareejiye Dahir C/lle Toxob, Sababaha keenay waxay aheyd Daahir oo ka soo horjeestay in xil ka qaadis iyo xarig lagu sameeyo Horjooge ay qaraabo ahaayeen oo bishii hore lagu khaarijiye Dhaay Tubaako kaasoo lagu magacaabi Jiray ANTA ANTA, Horjoogahaas ayaa waxa uu masuul ka ahaa qaybta qaraxyada ee amniyaadka, Godane ayay is qabteen, Wuxuuna isku dayay Godane in uu xilka ka qaado kadibne uu u diro dowradiisii la yaqiinay (xabsi qofkii gala uusan ka soo bixin) inta badana waxaa dadka xukumi jiray Daahir C/lle Toxob oo hore u xukumay Ibraahim Afgaan, Macalin Burhaan iyo Intii kale oo la dilay, Balse Daahir wuu ku gacan sayray xukunkii ANTA ANTA, sidaas ayaana waxaa u bilowday Khilaaf keenay ugu danbeyn in Godane Qaaligiisii sharta u xukumi jiray uu ku wargaliyo in uu xilka iska wareejiyo oo uu soo nasto maadaama uu muddo soo shaqeeyay, Waxaana la faray in uu xilka wareejiyo, waxana lagu wareejiye YAASIIN CARAB, kadibna waxaa loo diray Dowradii shirqoolka Godane, hadda waxaa la sheegay in uu ku jiro xabsiyadii qarsoonaa ee dadka uu xukumo laga cadaabi jiray,laguna khaarijin jiray, Daahir Waxaa la xiran Shahaadatu Zuurkii la shaqayn jiray ee la xukumi jiray Shacabka iyo Horjoogyaashii Inxiraafka ku midoobay,
Daahir C/lle Toxob waxa uu soo ahaa Muddo Qaaliga guud ee shabaab, Waxa uu xiriir hoose la lahaa Axmed Godane, Waxa uu ku soo dhacay dabinka Godane kadib markii uu ka so horjeestay Shirqoolki ay ku balameen, Waxaana muuqanaysa in Dahir Gacaney oo galay god si u uga badbaado ay culus tahay.
Yusuf Shiih Cisie Koba-ku dukade, Waxa uu ahaa Waaliga Gobalka Shabeelada Dhexe, Waa wakiilka Axmed Godane oo Gobolkas, Yuusf Waxa uu ka mid ahaa Horjaagayaashii ku biiray Shabaab sanadkii 2009 kadib markii uu ka yimid Asmara oo uu ku maqnaa sanadihii 2007 iyo 2008, Waxaana loo magacaabay Gobolkaas, Waxa uu ku jiray mudadaas bah dil uu ku haye Axmed Godane, ugu danbeyne waxa uu amray in laga wareejiyo xilka gobalka waxaa loo dhiibay Nin barnaamijka zaka qasabka u qaabilsanaa Godane oo lagu magacaabo C/llaahi wadaad.
Kadib Waxa la geeyay Degmada Diinsoor asaga iyo 3 kale oo gobollo kale laga keenay, Waxaa laga qaaday Telefonadiisii, Waxaana loo sheegay in uu xiran yahay oo Dowradii khaarijinta la geliyay, Waxa uu jaanis u helay mar in uu telefon u soo diro reerkiisa una sheegay in telefonadii laga qaday, lana xiray, sabab rasmi ahna uusan ogeyn, Blsé shaki uu qabo in uu Qatar ku jiro, Hadalkisina halakas ayaa ugu danbeysay, Waxaana jiro warar dhiillo xinbaarsan oo xaaladiisa Qatar in ay tahay muujinaya.
Yuusf iyo Daahir Waxaa laga yaabaa in ay maraan Jidkii Afgaan iyo saaxibadisi kale oo uu Godane Khaarijiyay Somalidu Waxay tiraahdaa (God Sireed ha Qodin, Haddii aad qoddana ha dheereyn ku dhici doontid lama ogee.)