Kulankii Baarlamaanka Oo Soo Dhamaaday Iyo Codkii Kalsoonida Oo Beri La Qaadi-doono
Saturday - November 30, 2013
Mogadisho- Gudoonka Baarlamaanka ayaa maalinta berri dib u dhigay dooda mooshika laga keenay Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo la soo xiray kulanka baarlamaanka maanta
Kulankan oo jawi deganaan ku furmay ayaa waxaa laga hor akhriyay mooshinka ka dhank ah Raiisul Wasaaraha, waxaana warqada mooshinka golaha ka akhrisay Xildhibaan Khaalid Cumar Cali, iyadoo ku eedeeysay Xukuumada inay ku fashilantay dhamaan waxyaabihii loo igmaday, isla markaana balan-qaadyo ay sameysay xukumadiisa ay ka soo bixi weysay.
ilaa 248 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay Kulanka, waana tiradii ugu badneyd ee mudooyikan timaada fadhiyada baarlamaanka, iyadoo kulanka maanta uu ahaa mid aad xasaasi u ahaa, si aad ahna isha loogu hayay gudo iyo dibadba.
Xildhibaanada taageersay Raiisul wasaaraha ayaa ka dalbaday Gudoonka in dooda mooshinka dib loogu dhigo maalinta berri, si ay u soo akhristaan qoraalka ay ku saxiixan yihiin Xildhibaanada oo qaarkood la sheegayo in kuwa saxiixay aanay dalka joogin, qaarkoodna shirka ka sheegay iney ka noqdeen mooshinka ka dhanka ah PM Saacid.
Sida warku xusaayo ilaa 83 xildhibaan ayaa iska diiwaan gelisay inay hadlaan, taaso ku kaliftay Gudoonka baarlamaanka inu dalbay in berri 9-ka subaxnimo la isugu yimaado kulanka, si dooda loo guda galo.
7Xildhibaanada mooshika ka keenay Raiisul Wasaaraha ayaa daneynayay in maanta cod loo qaado, hase ahaatee Gudoonka uu amray in dooda berri la geli doona, marka uu soo dhamaadana codka la qaadi doono.
Dhinaca kale Intii uu socday Kulanka ayaa waxaa la dhaariyay Koox ka tirsan Howl wadeenada baarlamaanka oo la soo xulay, kuwaasoo tiriaya codka loo qaadayo Xukuumada.
Dooda maalinta berri ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa noqon doonta mid xasaasi ah, waxaana laga yaabaa in maalmo ay qaadato, iyadoo Xildhibaanada yihiin kuwo kala qeybsan.