Barlamaanka Oo Cod Afduuban Kalsoonida Kala Noqday Raiisal-wasaare Saacid
Monday - December 2, 2013
Mogadisho- Gudoomiyaha barlamaanka Mr.Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Xukumadi Raiisal wasaare Saacid ay weysey kalsoonidi .. Saaka xildhibaanadda Baarlamaanka oo laba maalmood doodi u socotay ayaa kalsoonidii codka kala noqday Reysal-wasaare Saacid,kadib markii codka loo qaaday iyadoo 184-Xildhibaan ay u diiday codka kalsoonidda,halka 65-ay codka siisay, waxaase la saadaalinaya in su'aal caalami ah ay ka timaado fal-fal xumida sharci daro ee is-baarada loogu dhigay Saacid inu baarlamaanka hortiisa iska difaaco, waxaana ugu horeyn la odorasaya in deeqaha mushaar ee la siin jiray xubnaha baarlamaanka mudo hakad dheer la galiyo
Madaxweyne Xasan Culusoow iyo la taliyaashiisa Dam-jadiid ayaa la filayaa inay soo magacaabaan Reysalwasaare kale oo ay dhici-karto inu ka soo jeedo beesha Daarood, illa iyo haddana lama hayo wax xaqiiqo ah oo la xariira tilmaanta shakhsiga ku haboon oo la magacaabi-doono.