Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Magacyada Raga la Hadal hayo Iney Noqonayaan Raiisal wasaare

Tuesday - December 3, 2013

Mogadisho-Waxaa cadaan ah oo cidna aysam moogeyn in arimaha ay isku qabteen madaxweyne Xasan iyo Saacid u aahaa mid muddo soo jiitamaayey, waxaase lagu guuleystay in dhawr goor lagu dhameeyo xaal mastuur, laakiin markaan qodobka ugu dambeeyey ee ay isku qabteen ayaa sabay iney sii kal fogaadaan oo ahayd soo magacaabida golaha wasiirada uu si gaara u soo xulay Raiisal wasaare Saacid, ayaa taas sababtay in baarlamaankii dalka uu kalsoonidi kala noqdo PM Saacid, oo halkaas Saacdna si rasmi ah u aqbalay guuldarada u soo hoyatay .. Runtiina mooshinka ayaa yimid markii ay madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha is qabteen, waxaana inu meesha ka baxo u codeeyey 184 mudane, halka ay diideen 65 mudane. waana dhaqan aan ku cusbeyn siyaasada somaaliya oo madaxweyne waliba dhawr goor tuuray Raiisal-wasaarihiisi.
 
 

Sida wararku sheegayaan Saacid wuxuu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, isagoo u wareejiyay wasaaradda waxbarashada,halka uu wasaaradda arrimaha gudaha u magacaabay masuul kale. Sidoo kale wuxuu gebi ahaanba xukuumadiisa ka reebay wasiirul dawlaha madaxtooyada Faarax Cabdiqaadir oo isna ah gacanta midig ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.  Waxase talaabadaas ka carooday Madaxweyne Xasan Sheekh oo raysalwasaaraha ka dalbaday inuu ka noqdo, isagoo raysalwasaaraha Saacid ku adkaystay inaanu ka noqonayn.
 
Raysalwasaaraha xilka laga qaaday ayaa mar uu ka hor codaynta shalay shirjaraa’id qabtay wuxuu si aan toos ahayn u soo hadal qaaday in khilaafkoodu ka dhashay xubno wasiiro ah. “ Waa la socotaan, waxaa muqadimiin ka ah xasillooni la’aanta siyaasadeed ee maanta Wasiiro ka mid ah Xukuumadda oo qaba in iyagu ay soo harayaan oo si sahlan loo bixiyo Raysal Wasaaraha.  Waxaan si cad ugu sheegay Madaxweynaha , oon dadaalkiisa la’aantii halkan la isla soo gaareen, inaysan gar ahayn in koox dano gaar ah leh Somalia looga haro.” Sidaas ayuu yiri Raysalwasaaruhu, ka hor intii aan codaynta shalay loo qaadin.
 

Durba waxa soo baxay magacyada dhawr nin oo loo hadal hayo inuu Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabi doono Raysalwasaaraha cusub ee soo dhisi doona xukuumadda dambe. Ragga sida weyn loo hadal hayo waxa ka mid ah Xuseen Cabdi Xalane oo ka soo jeeda Beesha Ogaden, waxaanu  mar Wasiirka maaliyadda ka soo noqday dawladii Raysalwasaare Farmaajo. Ragga kale ee sida weyn loo hadal hayo waxa ka mid ah nin lagu magacaabo Prof. Maxamed Sheekh (Doodishe)  oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan oo ay Xasan Sheekh Maxamuud ka wada tirsanyihiin kooxda lagu magacaabo Damalujadiid. Waxa iyaguna jira xubno kale oo la hadal hayo inuu noqon doono Raysalwasaraha cusub.laakiin dadka siyaasada u kuurgala iyo kuwa khibrada u leh dhaqanka siyaasiyiinta somaali ayaa sadaashaas si ka duwan wax uga sheegay, waxayna xaqiijinayaan in madaxweyne Xasan shiikh iyo xulafadiisa ay ku adagtahay iney Raiisal wasaare ka dhigaan nin isla xulafadooda gaar ahaan ka soo jeeda Dam-jadiid,  
Gunaanad
Si kastaba ha ahaate, waxa la sugayaa qofka uu noqon doono Raysalwasaaraha cusub ee Somaliya iyo weliba saamaynta raysalwasaaraha xilka laga qaaday ay ku yeelan doonto siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.