Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Ergeyga Gaarka US Ee Qaabilsan Somalia Oo Si Caro Leh Uga Hadlay Riditaankii Xukuumadi PM Saacid

Wednesday - December 4, 2013

Nairobi (AGGM): Warka soo yeeray Dowladda Mareykanka, ayaa looga hadlay go’aankii uu isniintii tagtay qaatay baarlamanka Somalia, ee uu codka kalsoonida kagala noqday ra’iisu wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya James P. McAnult ayaa qoraal kooban kasoo saaray mooshinkii lagu riday Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, isagoo qaab caro leh uga hadlay go’aankii baarlamaanka.

James P. McAnult  ayaa qoraalkiisa ku yiri “Dowladda Mareykanka waxaay mar walba taagero la garab taagantahay umadda Soomaliyeed iyo Dowlada Federaalka ee Soomaaliya dadaalkooda ay ugu jiraan xasilinta iyo maamulida wadanka.isagoo warkiisa si raaciyey inu ka rajeeynaayo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud si deg deg ah usoo magacaabo Ra’iisal Wasaare ku shaqeyn doona sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah, isla markaana taageero ka haysta umadda Soomaaliyeed. Xulida iyo magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub waa in ay waafaqsanaataa dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaliya.”

Isku soo wada duuboo ka dib riditaanki Xukuumada R/wasaare Abdi Faarax Shirdoon dawladdaha deriska ayaa waxa ay walaac weyn ka muujiyeen awooda dalka Soomaaliya sida uu gacanta ugu galay urur Diimeedka Damu Jadiid, taas oo qatar ku ah dalka Soomaaliya iyo dowladdaha deriska la ahba.