Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Dilka Xildhibaan Faysal Oo La Tuhunsan-yahay In Lagu Khaarijiyey Shirqool Siyaasadeed

Friday - December 6, 2013

Mogadisho-Qaraxii maanta ka dhacay muqdisho oo lagu khaarajiyey Xildhibaan Feysal ayaa lagu soo xiray gaariga xildhibaanka waxaana uu u muuqdaa mid ahaa assasination marka loo eego sida uu u dhacay.
Waa marka hore gaarigu waxaa uu ka soo baxay Madaxtooyada, wuxuuna xildhibaanku ku soo tukaday masaajidka Shuhadaa ee ku dhex yaala madaxtoyada, markii uu ka soo baxay oo islahaa ku Parking garee afaafka hore ee guriga Raysal wasaaraha ayaa qaraxu dhacay.
 
Waxana bur bur soo gaaray gawaari meesha yaalay, xildhibaanka ayaa habeenkii xalay ahaa aad uga hadlay wixii ka dhacay baarlamaanka bishaan labadeedi iyo sida ay kooxdiisu raali uga ahayn in ay soo noqdaan wasiiradii xukuumadii dhacay, sido kale wuxuu ka hadlay dagaaladi shabeelada dhexe oo eedooda uu dusha uga tuuray Dowlada, Xildhibaanku wuxuu ku jiray Dadki aadka ugu ololaynayey in aan Raysal wasaaraha loo qaadin codka kalsoonida, uuna Mooshinku ahaa Sharci daro.
Hadaba hada waxaa shaki badan ku jiraa in arinkaan lagu khaarajiyey Xildhibaanka ay ahayd shirqool siyaasadeed, waxaa la xaqiijiyey in Xildhibaanku uu mudo saacado ah joogay Madaxtooyada intuusan aadin Guriga Raysal wasaaraha, balse dhinac kale oo bulshada ah ayaa qaba in farsamada lagu dilay xildhibaanka ay u egtahay raadkii argagixisada Al-shabaab