Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Maanta Nin Weyn Baa Aduunka Ka Baxay .. Ninkii Nelson Mandela

Friday - December 6, 2013

Dalka Koonfur Africa ayaa waxa ka baxay shakhsi agtooda qiimo weyn ku lahaa, kaaso u dagaallamay xoriyadda wadankaas, isla markaana ah hogaamiyihii ugu horeeyay oo madow ah oo madaxweyne ka noqda Koonfur Africa ka dib muddo 27-sano ah oo uu xabsi ku jiray.

Geerida ku timid Nelson Mandela waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dowladaha qaybahooda kala duwan oo ay ku jiraan kuwa horey xilal u soo qabtay iyo qaar ka mid ah dad caan ka ah adduunka oo ku soo guulaystay billada nabadda ee Nobel Peace.
Hadaba halkan waxa ku soo koobaynaa hadalladii ay maanta sii daayeen hogaamiyayaasha aduunka qaarkood ,oo intooda badan ka hambalyeeyay wixii uu soo qabtay Mandela oo ah ruux si weyn looga yaqaan aduunka.

Madaxweynaha Koonfur Afika ayaa ahaa ruuxi ugu horeeyay ee shaaciyay geerida Nelson Mandel oo 95-sano jir ku geeriyooday, isagoo oo sheegay in Mandella  uu ahaa aabaha xorriyadda Koonfur Afrika.

“Qaranka Koofur Afrika wuxuu waayay wiil, dadka Koofur Afrikana waxay waayeen Aabbe”ayuu yidhi Madaxweyne Zuma oo hadalkiisa ku sii daray. “Wixii ka dhigay Mandela qof weyn oo la qadariyo ayaa dhab ahaan ah wixii ka dhigay bani’aadam”.

Waxaa kaloo geerida ku timid Nelson Mandela ka hadlay FW de Klerk oo ah madaxweynihii Koonfur Africa sanadihii 1989-1994 ,isla markaana ah ruuxii go’aamiyay in Mandela xabsiga laga sii daayo isagoo sheegay in geeridan ay murugo  weyn u tahay dhamaan Afrika oo dhan.

 “Hoggaamiye rasmi ah ayuu ahaa Mandela ,waayo waxaa uu ka horyimid arimo badan oo xiligiisi qatar galin karayay dadka madawga ah,” ayuu yiri de Klerk oo ay ka muuqatay in uuu aad uga xunyahay geerida ku timid hogaamiyihii Koonfur Africa.

Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa isna in badan ka sheekeeyay halgankii uu soo galay Mandela, kaasoo xusay in Mandela uu waqti badan ka galay sidii dadka madowga iyo cadaanka Koonfur Africa u hali lahaayeen fursado isku mid ah.

“Wixii intaa ka danbeeyay annagu ma lehin ee waxaa leh kuwii naga horeeyay ,waana tusaalaha dhabta ah ee aduunkan,” ayuu yiri Obama oo xusay in Mandela oo ahaa geesi madow ah oo in badan u soo dagaallamay xoriyadda Koonfur Afrika

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Joseph Biden ayaa sheegay in saaxiibo aad u dhow ay ahaayeen Mandela, isla markaana markii xabsiga laga soo daayay Nelson ay ku kulmeen xafiiskiisa, isagoo ku daray  in ay aqoon dheeraad ah isku lahaayeen.

“Markii laga soo daayay xabsiga waqtigaa aniga Senator ayaan ahaa waxaan weydiiyay waxa kala gudboon xabsiga uu mudada ku jiray, wuxuuna jawaab iiga dhigay in saaxiib uu la yahay waqtigan la joogo kuwii isaga xiray,” ayuu yiri Biden oo ka tacsiyadeeyay geeridaas.

Ugu danbayntii madaxda dowladaha aduunka ayaa dhamaantood wada sheegay in si isku wada mid ah uga qayb-galayaan munaasabado gaar ah oo loogu tacsiyadaynayo Koonfur Africa ,maadaama  uu ka geeriyooday ruux sabab u ahaa xoriyadooda.