Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Axmed Cabdi Xaashi ( Xasharo) Oo Laga Yaabo In Loo Magacaabo Raiisal-Wsaare

Monday - December 9, 2013

Mogadisho- Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo) oo horay Safiir ka soo noqday Dalkii la oran-jiray Jarmalka-Bari (East-Germany) waqtiyadii maamulki Siyaad Barre, isagoo haddana xiliyadii ugu dambaysay gaar ahaan waqtigi madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramadda-Midoobay ee NewYork.

Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa la filayaa si gogolxaar ah inuu ku qancay inuu Reysalwasaare ka dhigo Ambassador Xasharo, walow la yiri fikirkaas waxaa ka gilgishay madaxweynaha saaxiibadiis dam-jadiid oo iyaguna rag kale la hardaafaya.
Madaxweyne Xasan ayaa qaba in Axmed Xasharo uu yahay ninka qura ee buuxin-kara shuruudaha u doonaayo gaar haan marka laga eego amarada iyo guulwadeynta madaxweynaha oo u si xishood la'aan ah u fulinaayo.
 
Axmed Xasharo waa nin axwaasha taariikhdiisa dadka dib u xasuusta ay ku sheegaan inu yahay nin bila diin ah Qalbi angagan leh, kherkuba ka caraabay nooca laga duceysto ah, hagardaamo badan,oo aan lahayn damiir hagaagsan, haraad u qaba inu lacga malaayiin ah deg deg ku helo, isla markaana ah Jookar shaarka siyaasada hadba badasha, su meel-kasta u galo, sida, Akhwaan, Al-shabaab, maxkamadaha, Shuuci iyo wixi la mida, dhawaana wuxuuba ka soo laabtay cariga Ertereya oo u ka mid ahaa xubnihi maxkamadaha halkaas tagay .. waxay ku sheegaan nin aan ka xishoon wax alaale wixii haddi dantiisa gaarka ah ay gasho, waxaana lagu tiriya nin wax ka aasaasay ururki sameystay isbahaysiga fir sooca ee HAG ee ay ku kulmaan Odayaasha iyo dhalinyarada beesha hawiye.