Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Madaxweyne Xasan Oo Bilaabay Inu Wareysi La Yeesho Musharaxiinta Soo Gudbiyey Codsiga Raisal Wasaare

Tuesday - December 10, 2013

Mogadisho-Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta bilaabay inuu mid mid u qaabilo musharaxiinta u hanqal taageysa xilka Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo soo gudbiyay codsiyada lagu dalbanayo xilka Ra’isul Wasaaraha.
Kulamadan oo bilowday maanta duhurkii ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu wareysi la yeelanayay Musharixiinta soo gudbiyay codsiyada, iyadoo ilaa iyo hada shan musharax uu Madaxweynuhu si kala gaar gaar ah ula kulmay, isla markaana dhageystay qorshahooda, waxa ay qaban karaan hadii loo magacaabo.
 
ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya  in Madaxweynaha uu wali ku guda jiro wareysi uu la qaadanayo xubnaha codsiyada soo gudbistay, iyadoo uu jiro liis xubnaha codsiyada soo gudbistay loogu yeerayo.
Musharax kasta (Cadidate) ee soo gudbiyay codsiga iyo CV waa loo yeerayaa, Madaxweynaha ayuu la kulmayaa, markaas musharaxu waxaa uu u bandhigayaa Madaxweynuhu wuxuu qaban karo qorshihiisa, hadii uu magacaabo”ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha ololaha u wada siyaasiyiinta dadaalka ugu jira xilka Ra’iisul Wasaaraha.

 
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay soo gaba gabeeyay kulamo uu la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu kala hadlayay shaqsiga uu soo magacaabayo iyo qaababka uu ku soo xulan karo.
Warar la helayo ayaa sheegaya in maalinta berri laga yaabo in Madaxweynaha uu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaase dhici karta in wax walba is bedelaan, waxaana la hadal hayaa in Madaxweynaha uu magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha, ka hor inta uusan u ambabixin dalka Kenya oo uu uga qeyb galayo xuska maalinta xornimada dalkaas.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo diiday magaciisa inaan xusno ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u bandhigeen inuu Ra’iisul Wasaare u magacaabo Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo ay u sheegeen inuu yahay nin og xaalada dalka, kana war qaba, isla markaana horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare.
Waxaa la hadal hayaa xubno badan oo laga yaabo in Ra’iisul wasaare loo magacaabo, kuwaasoo horay xilal uga soo qabtay dowladihii hore, waxaana ka mid ah xubnaha hadal heyntooda badan yahay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyada, C/waaxid Cilmi Goonjeex oo Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo sii haye xilka Ra’iisul wasaare soo noqday, Maxamed C/llaahi Faraamo oo Ra’iisul Wasaare soo noqday iyo kuwo kale.
Lama oga ilaa iyo hada cida uu Madaxweynaha u magacaabi doono Wasiirka Koowaad, iyadoo ilaa labaatameeyo musharax ay codsiyadooda ay ku dalbanayaan in loo magacaabo Ra’iisul Wasaare ay u gudbiyeen xafiiska Madaxweynaha.