Aduunyada Maxaa Rag Soo Maray .. Mr. Walace E.Johnson Co-Founder Of The Holiday INNS Hotel Chain
Thursday - December 12, 2013
Diwaanka taariikhda, Aduunyada Maxaa Rag Soo Maray ..Maxaa Ninkii Xoorka Dhami Jiray Xaabo Wareejiyey .. Maxaa Shalay Nin Hooseeyey Maanta Faan Lahayn-waayey .. Maxaa Waayo Aragnimo La Inooga Waramay oo Aan Cadceedi Soo Baxdaba Toos Ula Kulano Har iyo Habeenba .. Maxaa Murti La Inoo Sheegaa Oo Aan Dafirnaa .. Mr. Wallace E. Johnson waxuu ahaa wiil dhallinyaro dhiiran jir dhisan oo ka dhashay qoys beeraley fakhri ah, xoogiisi shabaab-nimada inta badan wuxuu ku muujin jiray shaqadiisa Najaarnimo "carpentry" uu muddo dheer ku hanaqaaday ka shaqeynta warshad weyn oo sameyn jirtay alwaaxda, laakiin nasib daro maalin maalmaha ka mida goor u shaqadiisi gutay ayaa si kadis ah looga yeeray taliska maamulka warshada waxaana lagu yiri inta isha lagu canaantay shaqadi waa lagaa eryey dibna warshada ha ugu soo noqon, asna muran ma keenin, balse caro la luuday
Mr.Waalis Jonson markii warkaas oo aan horay loo ogeysiin ee sida kadiska ah loogu wargaliyey aad ayuu uga damqaday sida amar ku taag-leynta wax loogu sheegay isago wax dambi ah oo u galay aanay jirin .. Johnson talo aya ku cadaatay, oo xita ciil dartiis haleeli-waayey inu qalabkiisi gaarka u ahaa warshada u tiilay ka aruursado, waxaana isla markiiba uu sawirmay dhibaatada leel-leelka iyo luuf-luufka nolosha markii ay timaado shaqo la'aanta.
Mr.Wallace Jonson halkii ayuu ka caga-cageeyey isago mudo soo dhutinaayey cagaha jiidaya, dhafoorkiisa gaajo dhidid ka muuqdo ayuu guri gaaray, wuxuuna isla markiiba sida xaal yahay xaaskiisa ku salaamay oo yiri; gacaliso Alma maanta waxaa nagu soo hamaansaday Bad News oo shaqadi waa layga soo raacdeeyey.. xaaskii ayaa iyadana maroor-dilaac murug isla duuduubtay, dibnaha ruugtay oo gacnteedi iyo dhabankii ayaa isku dhagay.
Mr.Wallace Johnson wuxuu dacdaro iyo qatooyada daris ahaadaanba, waxay bocorti xaaskiisa Alma indhuhu basaasmaanba, wuxuu jihaad day-day shaqo kabaha ciribtoodi uga dhamaatay, daal iyo maawelis' we call you" waxaan ahayn kuma sarin. Arintu si kastaba ha ahaate si kasta oo ruux bina-aadamka wax ku raadiyo ilaahay ayaa ugu ballan qaaday inu ku arsaaqo, maalin maalmaha ka mida isagoo isku-buuqsan fikirna maskaxdiisa ku godlinaaya, wuxuu is tusay calaa-cal inusan u fiicneyn ninka raga ah balse talabo dadaal iyo tacab in lagu bixi-karo faqriga, sida awgeed ayaa markiiba ooftiisi ka dilaacday mashruuc ku soo butaacmay oo ah inu noqdo guryo dhise "home builder and as a bulding supply salesman" waxuuna go'aansaday inu guri yar u lahaa inta Bangiga u rahmo uu iskiisa u shaqeysto sidiina ayuu yeelay oo waxuu sameystay xirfad dhismaha guryaha, wuxuuna markii ugu horeysay helay qandaraas dhismo hal guri, dabadeedna waxuu helay qandaraas dhismo laba guri illa u markii dambe helay qanadraasyo degaano xaafado dhan.
Mr Wallace Johnson oo ayaamo wacan hawshii u ku jiray u kala socotay, waxuu socdaba waxuu sano kadib hadana si durduro ah ku helay qandaraasyo dhismo warshado iyo bakhaaro baaxad weyn oo ay leeyihiin shirkado caalami ah, halkaaso oo u mar kale kaga dhuftay malaayiin dolar lacageed, waxaana u gaaray heer farshaxanka dhismaha shirkadiisa wax bog iyo baabaco leh oo qandaraas ku loodiya la waayey, ugu dambeysti mr.Wallace Johnson nicmadi aduun ilaahay marku u dhiibay kaalin ayuu ka qaatay oo wixiisi xag samafalo wax ka siiyey kuwa aduunka caatada la socon-waayey, waxuuna halkaas ku helay maratabo qiimo leh iyo magac dheeri ah ..Mr. Johnson had already become a millionaire in construction waxauu noqday, co-founder of the Holiday INN Hotel chain.
Mr.Wallace mar u ka hadlaayey noloshiisa, waxuu yiri waa in laga faaiideysta is gad gadiska waqtiga iyo waayaha dunida, waxuu sheegay inu dadaal badan ku helay naalo iyo kheyr badan, waxuuna carbka ku dhuftay in maalinti shaqada laga cayriyey uu aad u himad jabay, hasa ahaate maanta hadaan arki lahaa ninkii shaqada sabab la'aanta iga cayriyey Af macaan ayaan ugu mahadcelin lahaa, sooryo gacan macaana waa iga heli-lahaa.