Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Inkasto Si Public Ah Aan Loo Shaacin Mr. C/waaxid Goonjeex Ayaa Lagu Wada R/wasaaraha Cusub

Wednesday - December 11, 2013

Mogadisho- C/waaxid Cilmi Goonjeex oo Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo sii haye xilka Ra’iisul wasaare ka soo noqday Xukuumaddii Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa warar ka soo baxay dhinaca hawlwadeenada madaxtooyada waxay xaqiijinayan in jagada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya loo magacabi doono maalinta berito.
 
Wararka ayaa sheegaya in Maxamed C/llaahi Farmaajo oo jagadaas loo badinaayay inuu mar labaad qaban doona ayaa hadda war soo dhacay waxay sheegayan inuu isaga ka haray tartanka sababo aan la sheegin in kastoo ay jiraan warar sheegaya in Farmaajo shuruud ku xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud taas oo ah in aanay lagu soo faragelin karin magacabista Golaha Wasiirada.
 
C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ka soo jeeda beesha Daarood-Mareexaan-reer Dalal ayaa la sheegaya in jagada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya loo magacabi doono, taaso dadka is-weydiinayaan sababta iyo ujeedada Xasan shiikh u hal beel gaar ahaan hal jufo ( Reer Dalal) ku cel-celis jagada Raiisal wasaare, oo inta kale ma rootiba
 
Sida dad badan oo yaqaana ay sheegayaan C/waaxid Cilmi Goonjeex waa nin degan oo ixtiraama dadka isla markaana dhageysta fikradaha ka soo horjeeda isla markaana ay u badan tahay haddii uu helo Wasiiro wanaagsan inuu wax badan u qaban doono dalka.