Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Digtoor Cabdiweli Shiikh Axmed Oo Noqday Raiisal Wasaaraha Cusub

Thursday - December 12, 2013

Mogadisho- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii doortay aqoonyahan sare oo ka soo jeeda beesha daarod- Mareexaan-Diini- reer ugaas sharmaake, waxuuna ku dhashay Gobolka Gedo, degmada baardheere .. 
 
Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh ayaa la filaya inu soo magacaabo Gole Wasiir muddo 30 cisho gudahooda ah, waxaa looga fadhiyaa sida lagu yaqaan inu shaqadiisa u madax banaanaado oo sida la filaayo amase lagu yaqaan ma oglaandoono in waajibaadkiisa lagu qodqodo .. Cabdiwali waa loobbyist wacan shaqo badan, wadani ah oo aqoontiisa siyaaso iyo jaangooyadiisa dhaqaale ay aad u sareyso .. cabdiweli waa reer kanada oo PHD ka qaatay jaamacada kaarlinton ee ottawa, hasa ahaate hadda waxuu u shaqeeya bangiga islaamiga ee saldhigiisu yahay sacuudiga, waa laba xaasle caruur fara badan dhalay, waxaana xusid mudan inu mar la taliye xaga dhaqaalaha u noqday madaxweynihi hore maxamed Siyaad Bare
Xafladdii Magacabista oo ka dhacday Madaxtooyada waxaa goobjoog ka ahaa Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiiradii hore.