Mawdkii Saacid Dilay Cabdiweli Shiikh axmad
Friday - December 13, 2013
Waxaa cajiib ah sida hafrida ah ee ay warka hayaay iyo Qayllo ka faafinayaan Cabdiweli shiikh, waxaan shaki ku jirin in wax badan ay yihiin been la hurgufaayo xaqiiqada ka fog, balse hindisaaya been iyo hawlo masiibo ah,oo waxaad mooda inta badan mid aan wax waraba haynin xumaanta uun ku hiisha, hubsiinadana waa sida hub la isku difaaco.
Aniga igama suurtoodo in dabool ku hagoogo Raiisal wasaare la soo makookeeyey hagardaameysan , balse inta aan ka ogahay ma ahaa shaqana kuma laha wax ururo diimeed ah gaar ahaan warkaan lala beegsanaayo oo la leeyahay waa dam-jadiid wax ka jira ma jiraan, waxaana qaba in sidi runta ahayd wax loo sheegin.
Cadiweli Shiikh cidina shakii uguma jiro in uu meesha ku yimid heshiis ay wada galeen isaga iyo kooxo ka wakiil madaxweyne Xasan oo ugu tagay magalada Riyaad iyadoo hadba heshiisku meeshu maraayo la socodsiinaayey madaxweyne Xasan .. sida warka aan ku hayo waxay wada galeen gorgortan adag oo inta badan labada dhinacba ay cuntami-weyday , laakiin sida la xusay mar dambe ayaa meel dhexe la isugu yimid oo dabadeed sidaa u cabdiweli ku ogolaaday gorgortankii
Cabdiweli Shiikh haddi heshiis jiro iyo haddi kalaba waxaa laga garan-doonaa dhismaha golihiisa wasiirada, walow warka loo badinaayo in magacaabida wasiiro badan loo daayey inu magacaabo madaxweyne Xasan, laakiin warka ayaa inta ku daraya in maamulka iyo dabagala hogaamintooda loo deynaayo raiisal wasaare Cabdi weli.
qorshaha la saadaalinaayo markaan madaxweyne Xasan ulama dhaqmi-doono raiisalwasaarahaan cusub sidi Saacid, oo wax badan ayaa la filayaa inu ka dabciyo midkaan si aan loo oron wixii hore waxba iskama badalin, hasa yeeshe xasan iyo kooxdiisa waa khasab sida ay u halilayaan iney maamulka wax uun ka qasaan, taaso mustaqbalka keeni doonta in Cabdi weli waxa socda u adkeysan-waayo oo is yiraahdo magacaaga dhawro oo sidi Saacid bulshada yeysan ku saluugin