Hayaay Iyo Qaylo Been Ah Oo Lagu Baacsanaayo R/W C/weli Shiikh
Saturday - December 14, 2013
illa iyo inti la magacaabay Raiisal wasaaraha cusub Mudane Cabdiweli Shiikh waxaa saxaafada mogdisho ay maalmahaan si hafrid ku hurgufeysay warar muran ah ay yaqaanin iyo kutiri-kuteeno lagu wardinaayo ay leeyihiin Qalwadi raiisal wasaaraha Mas baa galay oo si kala go' lahayn ay la soo jiifaan weerar iyo hindiso been abuura .. Raga isaga sida gaarka u yaqaan waxay ka bixinayaan sawir ah sida uu yahay PM C/wali shiikh usan sinah uga tirsanaan-karin ururo diimeed, balse hayaay iyo qaylada ay tahay kuwa wax khuukhiya u dhaqma sida Goriilaha oo weli ku jira ugaarsigi maalineed ee ahaa wax soo cun ama ha lagu cuno adiga.
Cabdweli Shiikh wuxuu ka soo jeedaa Qoys Diinta ku dhaqma micnaheedana aad u yaqaan, waa qoys laga yaqaan Degmada Baardheere iyo guud ahaan gobolka Gedo, lakiin isagu shaqsi ahaan kama tirsana dariiqooyin diini ah amase Ururo huwan magacyo sida Damu jadiid iyo kuwa la midka ah, ayey yiraahdeen
Ninkii yiraahda Cabdiwali waa Damu Jadiid, waa nin aan aqoon Cabdiwali, waase la baran doonaa, sidaa waxaa yiri nin aqoon dheer u leh Cabdiweli oo muddo dheer xaaladiisa la socday, wuxuu kaloo ninkaas raaciyey oo yiri; hubsiinadu waa sida hub la isku difaaco .. Cabdiwali ma ahan Raysal Wasaare Saacid oo kale, mana aha darbi jilicsan oo fagmaaya, ma aha Nin inta canka buuxsada hadba cayn u ciya, ma aha nacas foorara, balse waa gesi fool adag ,garasho iyo xarfado wanaagsan ayuu u leeyahay maamulka siyaasada iyo dhaqaalahaba ku wadi karo , waxaanse sugaynaa ansixintiisa ka dib siduu ciyaarta turubka u baandheeyo.