Dagaalo La Isku Hoobtay Oo Maanta Ka Dhacay Sh/Hoose Iyo Dadkii Oo U Yaacay Kob Ay Nabad U Doontaan
Monday - December 16, 2013
Mogadisho- Afgooye- Xaalad degenaansho ayaa saaka laga soo sheegayaa goobihi lagu dagaalamay ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo tirada dadkii ku dhintay dagaaladii labadii maalmood ay sii kordheen.
dagaalka sh/hoose gaar ahaan wararka laga helayo degmada Janaale ayaa sheegaya in dhinac ka mid ah dhinacii ku dagaalamayay duleedka degmadaas ay xalay isaga baxeen, kuwaasoo la sheegay inay aadeen dhinaca Afgooye, waxaana la sheegay dagaaladaas iney ahaayeen kuwii ugu xumaa ee deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose ka dhaca, sida la xusayanaa waxaa halkaas ku geeriyooday in ka badan 15-ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.
Labada dhinac ee beelaha ku dagaalamayay deegaanada gobolkaas ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu dagaalka qaaday, waxaana wali jirin cid kala dhex gashay labada beel ee wada dagaalamayay.
Dagaalkii ugu xooganaa ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay Tuulada Busley ee duleedka Janaale, halkaasoo labada dhinac ay si baan isugu fara saareen .. Dadkii deganaadaas ayaa intooda badan u kala baqoolay degaano kala duwan sida Afgooye, Bay oo ay ka raadsadeen nabad
Waxaa soo baxayay baaqyo ka imaanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxgaradka iyo culumaaudiinka, kuwaasoo dalbanayay in dagaalada la joojiyo, hase ahaatee ma jirto cid ilaa iyo hada u hogaansantay baaqyadaas.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalada, hasa ahaate waxaa muuqato in dowladda ay ku jahwareertay dagaalada soo noq noqday ee deegaanada Shabellaha Hoose ka dhacayay.