Dagaal Siyaasadeed Aan Dhamaad Lahayn .. Garowe Waa La Isku Haystaa
Tuesday - December 17, 2013
Garowe- 21-berri ayaa doorashadda ka hartay ilaa iyo hadda ma diyaarsana 66-dii Xildhibaan ee dooran lahaa Madaxweynaha Puntland, hadaba waxaa la is-weydiinaya marba hadii aan lagu heshiin Guddigi khilaafaadka?sidee suurto-gal u tahay 21-berri gudahood in la doorto Madaxweynihii Puntalnd.
Magaaladda Garoowe ayaa hadda waxaa ku sugan isimada Puntland intoodi badneyd, halka ay maqan-yihiin Isimo badan oo go'aanka iyo taladda ka go'do,waxaana ugu muhimsan Isimadda khaatumo oo lahaa 17-ka Xildhibaan, oo hadii aysan iyagu sharci ahaan saxiixin xildhibaanadooda ay adag-tahay in Madaxweyne la isku raacsan-yahay la doorto.
Madaxweyne Puntland oo lagu han-weynaa inuu tanaasulaad sameeyo una ogolaado Murashaxiinta inay Guddi khilaafaad ku darsadaan gudigii uu soo magaacaabay, wuxuu u eg-yahay nin rafanaya ay ka go'an tahay hadii aan tiisa la yeelin oo mar labaad la dooran inuu bur-burinayo nabada Puntland, inkastoo ay adag-tahay in laga aqbalo burbur soo gaara Puntland.
Arnta si kastaba ha ahaate waxaa la qiyaasaya in doorashadii Puntland ay dib u dhacayso 8-da Janaayo 2014-ka,hadii madaxweyne Faroole uusan la iimaan tanaasulaad iyo geesinimo.