Takhaatiir U Dhalatay Dalka Suuriya Oo Lagu Dilay Degaanka Siinka Dheer Ee Mogadisha
Wednesday - December 18, 2013
Muqdisho- Waxaa goor dhow deegaanka Siinka Dheer oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay 4 takhtar oo saddex ka mid ahi ay ahaayeen takhaatiir u dhalatay dalka Suuriya, halka midka afraadna uu Soomaali ahaa.
Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in ay jidka u galeen gaari takhaatiirtan siday xilli ay ka tageen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku sii jeedeen Cusbitaal ay ka hawl-galayeen oo lagu magaabo Fiqi, kaas oo ku yaalla isla deegaanka Siinka Dheer.
Kooxda dilka gaysatey oo aan weli si rasmi ah haybtooda loo aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana jira warar sheegaya in ay dirayska ciidamada dowladda ku labisnaayeen, isla markaana Nin u hadlay al-shabaab ayaa yiri falkaas ma aha kuwa anaga aan ka dambeynay, hasa-ahaate warar kale ayaa ku shaacsan mogdisho oo la leeyahay shabaabku weu ku qaldameen oo waxay moodayeen takhaatiir ree Yurub ah.
Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale magaalada Muqdisho loogu toogtey macallimad u dhalatay dalka Uganda, taas oo wax ka dhigi jirtay Jaamacadda Soomaaliya oo ka mid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.