War Deg Deg Ah- Waa la beeniyey In Nabadoon Lagu Dilay Xaafada Garsoor -Gaalkacyo
Wednesday - December 18, 2013
Galkacyo- Warka sheegaya in xaafada Garsoor-gaalkacyo lagu dilay Nin nabadoona waa been abuur aan sal iyo raad lahayn, lamana garanaayo ujeedada warkaas beenta ah laga leeyahay.
Warka waxaa baahisay Mediyada Muqdisho oo aan la garaneyn halka ay ka soo xigatay iyo cida u soo gudbisay
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigey oo la hadlay qaraabada ninka la yiri waa la dilay waxuu u cadeeyey in warkaas u yahay kutiri-kuteen oo xaqiiqada ka si fog yahay
Sido kale Gudoomiyaha Xaafada Garsoor oo ah Xaafada la sheegey in Nabadoon lagu dilay ayaa goor dhow saxaafada la hadlaya, Wuxuuna cadeynayaa in warbaahinta warxumo tashiilkaa ay si ulakac been ah u baahiyeen.