Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 July 2025

Mucaaradka K/Sudaan Oo Qabsatay Magalada Bor Ee Caasimada Gobolka Jonglei

Thursday - December 19, 2013

Bor- Wararka ka soo baxaya dagaalka ka socda dalka Koonfurta Suudaan ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dalkaasi Salva kheir iyo Maleeshiyo taabacsan Madaxweyne southku-xigeenkii uu xilka ka qaaday ee Riek Machar ayaa sheegaya in ay Mucaaradku qabsadeen Caasimadda Gobolka Jonglei ee Bor.

Wararka ka soo baxay Gobolkaasi ayaa sheegaya in ay soo food saartay dadka shicibka ah ee Gobolkaasi Dil iyo Barakac ay mucaaradku kula kaceen isad ay sheegeen saraakiil ku sugan Gobolkaasi.

Dagaaladda ayaa ku sii fidiya dalkaasi kadib markii dhawaan caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba ay ka qarxeen dagaalo u dhaxeeya Xukuumadda iyo Mucaaradkeeda oo salka ku haya dhinaca awooda dalka oo uu madaxweynaha Dalkaasi ku koobay qabiilkiisa oo kali ah.

Dhawr boqol oo qof ayaa barakacay, qaar kalena way qaxeen, halka xarumaha Qaramada Midoobay ay dad badani magansadeen, waxana la soo sheegayaa tirade dhimashada iyo dhawaacu inay kun kor u dhaaftay.

Ugu yaraan toban ka mid ahs iyaasiyiinta dalkaasi ayaa lagau soo waramayaa in ay xireen xukuumadda ka talisa dalkaasi, waxaanay wararka ugu danbeeyaa sheegayaan in dagaalku ku sii fidayo gobolada Koonfur galbeed ee dalkaasi gaar ahana caasimadooda Torit.
 
Dhinaca kale IGAAD ayaa 5 Wasiir u dirtay South Sudan oo ay ku jirto Wasiirad Fowsiyo si ay u soo qiimeeyaan dagaaladaasi iyo khasaraha ay geesteen.
 
Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya foziyo yuusuf xaaji adan ayaa sheegtey in ay soomaali badan magalada juba ee xarunta wadanka south suudan ku ganacsata ay saameyeen dagaalada halkaasi ka socda eyna cabashooyin soo gaarsiyen wasaarada.