Sanad-guuradi 70-Aad Ee Aasaaska Ciidamada Boliska Somaliya Oo Mogdisho Lagu Qabtay
Friday - December 20, 2013
Muqdisho-Dabaal-dag lagu xusayay sannaguuradii 70-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo dabaal-dagga ay ka qaybagleen xubno uu ku jiray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda ayaa ka dhacday dugsiga tababarka booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay. waxaana dabaal-dagga ka qaybgalay saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya, taliyeyaashooda iyo wasiirrada gaashanadhigga iyo arrimaha gudaha qaranka xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay.
Qaybaha kala duwan ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa xuska 70-aad ee aasaaska ciidanka booliiska kusoo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarradooda iyo qalabk ay haystaan, iyadoo xubnihii goob-joogga ka ahaa ay aad ugu riyaaqeen bandhigga ay sameeyeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan-sharaf ka qaatay in ka badan 1,500 oo askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood tababar ku soo qaatay dalalka Turkiga, Jabuuti iyo kuwo kale.
Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan ciidanka booliiska Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, maadaama ay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ku beegay markii la aasaasay. Waxaan kula dar-darmayaa ciidanka booliiska inay laba-jibbaaraan howsha ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal kooban ka jeediyay xafladda.
Ciidamada ka hortagga rabshadaha ayaa munaasabadda ku soo bandhigay sida looga hortagayo dibadbaxyada rabshadaha wata, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay fardo tababaran oo loogu talogalay in bilicda munaasabadda lagu qurxiyo.
Bishii December 20-keedii sannadkii 1943-dii ayay ahayd markii la aasaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, xilligaasoo uu dalku gumeysi ku jiray, iyadoo sannad walba loo dhigo dabbaal-dagyo lagu xusayo maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo maanta oo kale ku beegan.