Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 December 2018

WiKiLeaks Galdogob Times Oo Jabisay Sir Qufuleyd

Sunday - December 26, 2010

WiKiLeaks Galdogob Times oo Furtay Faylki Hay'ada NSS/ Hogaanka War-Isgaarsiinta iyo Farsamada Qalabka Sirdoonka/ Sir Culus

Sir Culus/./ Sanadka marku ahaa qiyaasta 1988 ayaa sida caadada ahayd goor habeen waaberi ku dhaw Siyaad Barre loo keenay cajalad xasaasi ah ay ku duubantahay wada hadal taleefoon dhexmarayey Maxamed Qanyare Afrax oo qiiro qabiil afkiisi qaban-waayey iyo nin maal-qabeen ahaa la oran jiray Xaashi Weheliye oo isna ahaa ragga ugu cad cadaa gulufka colaadeed in xukunka laga faramaroojiyo Maxamed Siyaad, isla markaana Xaashi Waheliye u ahaa khasnad hayaha laga maamulo hawlgalada falalka dagaal mucaaradka, waxaana xusid mudan in cajalad kasta oo loo keeni jiray Siyaad Bare uu Xaashi Weheliye ka ahaa "player".

Cajalada ayaa ku duubneyd codka Maxamed Qanyare oo warkiisa ka soo tabinaayey Magaalada Nairobi .. wada-hadal iyo is wareysi badan ka dib Qanyare waxuu Xaashi ku yiri; waxaan la xariiray kooxihi wadaadada oo ay ii sheegeen in dhawaan la maqli-doono war kadis ah oo lagu farxo .. Xaashi Weheliye ayaa weydiiyey Qanyare waxa ay noqnkaraan faraxaas ayaa yiri; Afar ka mida wadooyinka uu maro Maxamed Siyaad ayaa la dhigay mujaahidin naftu hurayaal isticmaali-doona madaaficda diirada tooska u dhacda .. dabadeed Xaashi oo hadalkii qaatay ayaa yiri; qoryaha anagaa ayaa dhawaan iibinay, laakiin qorshahaas layma sheegin, isagoo carbka ku sii dhuftay in kuwa kale gorgortan-kooda u socdaan iyo warar kale oo iminka xusuustoodi aan ka abaarsaday waqtiga ka soo wareegay oo dheer awgi, laakiin waxaan xasuustaa tororogti Qanyare oo ku sii wargalinaaya saaxiibkii Xaashi in Mr.Cabduqaadir Adan Cisman" Ina Adan Cade" oo Roma Jooga u macaawino badeeco ka helay dawlada Talyaaniga sii loogu taakuleeyo halganka lagula jiro Maxamed Siyaad ayna dhawaan soo gaari-doonto dekada Xamar, Xaashi Weheliyana masuuliyadeeda la wareego ayuu yiri

Maxamed Qanyare Afrax oo si ilaaqtan ku jirto ayaa su'aal ku soo celiyey Xaashi Weheliye oo yiri; Maxaa dhacay maal-mahaan ma maqlin falalkii dilka iyo dhaca ay kooxdi Faay Cali sameeyn jireen, oo intaa si raaciyey; Aaway dib-jiradi iyo ciyaal suuqi hor kici jiray qaska magaalada ee ma lacgti la siin jiray miyaad Xaashiyo kaga bakhiisheen .. Xaashi oo jawaab ku celiyey ayaa yiri; wax-walba sidi loogu tala galay ayey ku socdaan, hawshaasna rag baa u xilsaaran waana scotaa, kharajna loma waayine ee iyagaa beryahaan malaha xeelado awgeed is nabaya, dabadeed Qanyare oo hadalkii soo gabagabeyey ayaa warkiisi kula dar daarmay Xaashi Weheliye oo yiri; Hawiye waa habaaranyahay jiifka ha ka tooso .. fadlan u sheeg gabdhaha iyo marwooyinka Hawiye waa iney raga guubaabiyaan oo gambada xooraan, guri kastana waa in guradisa hub iyo rasaas laga buuxshaa.

Waxaa la yiri nin kelyo jilicsan bey kaadi dishaa, Maxamed Siyaad inkasto ilkihisu si caadi ah u jirriqsanahayeen hadana kama jixi jixin warkii ka soo baxay dhageysiga cajalada ay ku wada hadleen Xaashi Weheliye iyo Qanyare Afrax oo ku maleegay dabinka afgambiga dawlada, waayo warkaas iyo wax ka daran ayaa maalin walba xafiiska ina Siyaad ku soo dhacayey, umana diyaar ahayn inu go'aan ka gaaro.

Siyaad Barre runti dhafoorqabad wey ku ahayd waxa maalin walba ka soo yeeri jiray mucaaradkiisa oo xitaa raggii u isku haleynaayey kolba sheydaan baa durbaan meelbaas ugu garaacay, sidaa daradeedna ma daama dhubuq-dhubuqdi shirqolka maalinba maalinta ka dambeysa si kordheyso, waxnna uu ka qaban-karin xaalada u ku sugnaa iyo gabowga nugleeyey awgii ,waxuu isku dayey inu si gaar gaara ula kulmmo raga shidada wada oo ka mid yahay Xaashi Weheliye, bal haddey hayaan wax talo ah oo dalka fidnada socota looga samata-bixinkaro .

Siyaad Barre oo u yeeray Xaashi Weheliye ayaa kulankoodi muran iyo dood badan dhex martay, waxuuna Siyaad weydiiyey oo yiri"  Xaashi waan is naqaaney intusan kacaankii dhalan ee maxaad ahayd, teede kale ayuu yiri; maxaan aniga Maxamed ahaan ku dhimay"

Jawaab loo arkayey jigraar ayaa bixiyey Xaashi Weheliye oo yiri " muraadkeygu waa dalka oo lagu xukumo Shareecda islaam, Lana magacaabo guddi shuura' oo inta kala guurka dalka sii maamusha" iyo warar badan uu raaciyey

Siyaad Barre oo u jawaabay Xaashi ku yiri; Xaashiyo aniga kuguma ogeyn wadaad oo waan u jeeda inaad gabaad ka dhiganeysid diin, waxaanse ku sheegaya diinteenu mid weeye, waxaana nahay ummad wada islaama, mana lihiin gaal masiixiya, oo gaalnimada aad igu sheegeysaan waa baadilnimo .. Waxaad nola timaadeen Ideolojiyad mad-madow diinta aad kaga been sheegeysan oo reer galbeedku ugu tala galay wiiqida midnimada ummada soomaali ee islaamka ah .. doqonimo dhaga weyn indha-adag iyo macagagnimo naar-afuufaya ayaa hadalkaaga ka muuqda, nabada inaad qiimeysan ayaa kheyrku ku jiraa, lacgta Riyaalka Wahaabiyada Sacuudiga iyo dollarka reer yurub ummadey kala geynayaan, waxanse ogahay Xaashiyo qaadirada ku haysa waa qabiilnimo xukun lagu doonayo ee qiirada qabiil yey kula fogaan, laakiin waxaan kalo ku sheegaya nin qabyaalad wax ku doonaya guul ka dheer ee magaca diinta wax yar ka bawsiga ah iyo Aadaanka jihaadka aad ku Qaraabaneysaan waad ku guuldarey-saneysaan, waxuuna Siyaad warkiisi si raaciyey "adiga Xaashiyow cid wax ku dhiibaneysa ama ku darajeyneysa ma jiri-doonaan oo aakhirkaaga waxaad ku dambeyn-doontaa xabsi ama dil ay ku maleegaan kuwa hadda kugu shaqeysanaya ee ilka-casta soo hayaantay .

Xaashi Weheliye beel ahaan waxuu ka soo jeeday beesha Murursade, hasa-ahaate dhalasho ahaan ayaa inta bada dadku u aqoonsanaa-yeen inu asl ahaan ka soo jeeday beesha Amaanle harti-daarood, waxaana taas lagu xaqiiqsaday xigtadiisa qaar ka mida oo weli ku nool dhinaca Bari, laakiin Xaashi isagu mar kasta waxuu ahaa Oday Murursade una janjeera halkii u ku dhashay kuna dhaqmay isaga iyo aabihiis Weheliye oo ku wada dhashay cariga ceel-buur, laakiin Awoowe ayaa la sheegaa inu xeebaha mandiqadaas ku dhaw dhaw dabaal ku yimi isagoo da'yar .. Xaashi inkasto waqtiyadi kacaanka dhashay u ahaa nin ku caana-maalay ka ganacsiga Nacnaca iyo shukulaatada haddana mudo gaaban ayuu ku noqday maal qabeen iskala-waayey .. hodantinimada sababna u ahayd xoolo badan oo laga amaahiyey Bangiyadi Soomaaliya .. inkasto aan aniga waqtigi bilawga dagaalada sokeeye dalka dibada uga maqnaa xagaa iyo Ameerika, haddana sheekada ka soo baxday dilki Xaashi Weheliye ayaa tilmaameysa iney dileen rag mucaarad ah oo ka soo horjeenstay siyaasadisi Xaashi ee ahayd in dagaalka la joojiyo oo nabad iyo gorgortan u ku tago Siyaad Barre ..sida la sheegeyna Xaashi waxuu durbadiiba saluugay kana carooday baaqi xayuubinta xukunka maxamed Siyaadd oo Rag qaarkiis u badaleen baaq dhiiri-galin gumaad reero gaara, oo laaiq ku ahayn aragtidi kacdoonka .. sidaa darteed Xaashi Weheliye iyo grubkiisi ayaa arintaa afduub u arkay ganafkana ku dhuftay dhagarta ay la yimaadeen mucaaradkii loobbiga falsafada baduuga wixii aan ahayn USC .. Xaashi ayaa kooxdaas ku yiri; waxaad aad wadaan waa gun-dalabkeed layskumana ogeyn, waana aamin-daro ee Mogdisho noga baxa iyo halkii aad ka timaadeen ayuu Xaashi yiri ..sida warka loo xigtay Xaashi iyo Muuse Boqor iyo rag kale oo majlis fadhiya kana doodaya xaalada cakiran sidi wax looga qaban-lahaa, waxaa madaafic dirad toosan ku soo weeraray garabkii kale ee wadatay afkaarti ku saleysneyd in isir gaara dagaalka lagu jeheeyo taaso ka careysiysay Xaashi Weheliye iyo gurubkii goobta kula dhintayba.

Jaalle Siyaad oo ahaa gorgorkii samada laafyoon jiray leebiga ahaa, ugu dambeyn waxaa ka tagay dareenkii libaax-nimada 70-80 kii uu lahaan jiray oo gacmihiisi laabtay, waxuuna u muuqday nin caleentiisi cadaatay oo ay ka soo hartay il-qoolaadin qura ..M.Siyaad goor dambe ayuu yiqiinsaday in xaaladii nabadgalyo faraha ka sii baxayso alamtara-na soo dhaaftay, waxnna laga qaban-karin oo wixii uu meelaha Rag ka soo qaaday meeley mareen aan la garaneyn, balse isagi ku soo jeesteen markii xilkii loo egmaday gudan kari-waayeen, oo awalba hawsha ku waday Qawda maqashi waxna ha u qaban illa maamulkii isku dhex daatay sidi turubkii laysku dhex shaandheyn jiray, shacbkiina irbad qabyaaladeed inta lagu dhuftay ayuu sidi Qurbac xoolaad dhinac kasta u muqleeynaaya, albaabadi hore la soo jabiyey, darbigi qasriga madaxtooyada laga soo booday .. Siyaad oo bakeyle inu liqo ka yaabaya, waxaa afkiisa mar ka soo baxday wixii ilaahay qoray cidi ma joojin-karto, oo hadana warkiisi raaciyey;  amuur baa socota .. runtana waa laga dheer yahay ..waxaan arkaya shacabkii aan waxa u qabtay oo iga raacay qashaabiirti habaarneyd ee dad-qalka ahayd, diirna aan hambeyn-doonin ..  Ma filaayo shacbku iney iga reysan-doonaan oo dhogor cusub u soo bixi-doonto .. Rabi marag .. Cidna anigu ma habaarayo ee alle isagaa garsoor ah .. ducadeydana allahayow deg deg iga ajiib, ayaa hadal laga maqlo ugu dambeysay saacdo ka hor intusan ka bixin Viila Somaaliya ..Ugu Dambeyn waxaan la ii xaqiijiyey xaaladii jirtay awgeed in Maxamed Siyaad u si aada ugu Oomana kuna faraxsanaa dhimasho halkiisa ugu timaada "Qasrigiisa".

Akhristow waad la socotaa sida wax u dhaceenn iyo sida wax u socdaanba, oo baaqi mucaaradka kursi-doonka isu badalay in reero-reero la isu mooraduugo .. dalkayagi daacad-xumaa burburisey, dam-daguugan naga dhigtay .. rabow naga dul qaad dulmiga iyo dhibaatada, oo no door dawlad daacadnimo iyo amin aan dambiga galin .. Akhristow tani waa duni oo wey axwaal badantahay, lagamana dhamaado mixnadeeda iyo dhibaatooyinka qofka dhex jibaaxayo, kuwaaso oo nolosha bani-aadamka ku yeesha saameyn dhinac walba ah, oo aan la hareer mari-karin,khasabna ah in lala kulmo mudada u qofka ifka joogo .. dhacda kastana waxaa haboon jiilba jiilka ka dambeeya iney dhacdada taariikh la soo maray isu tabiyaan si looga digtoonaado qalad dambe inusan dhicin.

Fiiro Gaara: WiKiLeaks Galdogob Times waxay mustaqbalka idin la socodsiin-doonta siro kala duwaan oo ka jiray xiliyadi dalka u maamulaayey Maxamed Siyaad, waxaana idin ku soo gudbin-doona haddba sidaan waqti ugu helno soo deynta sirahaas jira ee aan filaayo inta badan inaad xiiseyn-doontaan, waxaase xusid mudan in ay jiraan siro xasaasiya oo aan hadda waqtigeed ahayn in la faafiyo cabsi aan ka qabno iney saameyso dad baulsha-dooda nabad iminka ugu dhex nool, waase mareey noqotaba taariikh ahaan ayaa loo qori-doonaa .. mhashi1@hotmail.com


hits Hits : 26963