Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 21 November 2017

Taariikhda Aan Barano .. Sayid Maxamed Cabdille Xasan Sidee Buu Ku Noqday Dariiqada Saalixiya

Monday - December 26, 2016



Waxa caado u ahayd wadaadka iyo ninka waayeelka ah oo magac ku yeero inuu had iyo jeer xajka hammiyo. Sidaa daraaddeed kolkuu Shiikh Maxamad cimri soddomaad ku jirey wuxuu u sodcaalay dalka (Xijaas) si uu xajka u soo guto diintana u soo kororsado, waxaana sii raacay koox culimo ah oo reer Nugaaleed u badan. Lama caddayn karo inuu isagu madax u ahaa iyo in kale, waxaase kooxdaas ka mid ahaa labo abtiyaashiis ah «Xaaji Aadan Seed iyo Obsiiye Seed*. Waxa hubaal ah raggaas qaarkiis inuu isaga ka da' weynaa, kana cilmi roo- naa, tiradoodana waxa lagu sheegay «saddex iyo toban». Hase ahaatee magacyadoodii waa lagu kala bayray. Qaarkood wuxuu ku dhintay Maka iyo Madiina, oo sooma noqon, qaarkoodna waxa lagu diley da- gaalladii iyo jahaadkii, qaarkoodna waxay ku baxeen lama oga. 

Shiikh Maxamad hadduu Xajkii gutey wuxuu isku deyey inuu culimada «Maka» joogta cilmiga ka kororsado, waayadaasna ninkii Xaramka soo galaa intuu doono ayuu joogi karey, xeer u diidaayeyna 
ma jirin, dabadeedna culima badan oo reer «Maka» ah iyo kuwo kala duwan oo dalal dibaddaa ka soo xajiyey ayey isbarteen, sheekona waa dhex martay. 

Arrinta weyn oo beryahaas socotey oo culimada iyo dadka kaleba aad afka ugu hayeen ama laga sheekaysanaayey, Shiikh Maxamadna dhegihiisa ku maqlayey waxay ahayd: Dagaalkii ka socdey «Suudaan» oo uu Maxamad Al-Mahdi abaanduulaha ka ahaa. Culimo badan oo dariiqooyin kala duwan haysata oo jahaadka iyo dagaalka had iyo jeer ka sheekeya waa jireyn,iyadoo arrintu sidaa ahayd, in kas- too qof goob joog u ahaa aannaan arag, haddana waxaa hubaal ah inuu si rasmi ah ugu tegi jirey, kana qayb geli jirey fadhiyaal caadi ah oo lagu qaban jirey «Majliska Sayid Maxamad Saalax» oo reer Suudaan ahaa, dariiqada Saalixiyuna abuuray, madaxna u ahaa. Daba- deedna Shiikh Maxamad Saalax iyo xertiisii baa lays bartay, taasina waxay dhaxalsiisay inuu u riyaaqo dariiqada «Saalixiya» oo ahayd Maka iyo Maddiina laan ka mid ah dariiqada «Axmadiya». Dabadeedna wuxuu qaatay «Saalixiya» oo Jameecadeeda ka mid noqday, Shiikh Maxamad Saa-laxna fadhiyo gaar ah buu la qaatay, si looga wada hadlo dariiqada «Saalix.iya» sidiii loogu faafin iahaa dalka Soomaaliya, siyaaradana «Maka» loogu soo diri lahaa. Lama oga Shiikh Maxamad Cabdille markaa ka hor dariiqaduu ahaa ama haystay, hase ahaatee dadka qaarkii waxay leeyihiin wuxuu ahaa qaaddiriya, in kastoo aan dalka dariiqooyin kale soo gelin, had- dana lama hubo. 

xiliyada laba gu' hadduu Xaaji Maxamad Xaramka gudihiisa joogey oo Shiikh Maxamad Saalax xer u ahaa, xagga diinta ha ahaato xagga dariiqada Saalixiyase ha ahaatee, amar buuxana ka helay inuu 
Shiikhu-dariiqa berri Soomaal ka noqdo, wixii tala ah ama dardaaran ahaana ay kala dhammaysteen, wuxuu u soo kacay dalkiisii hooyo.- Markaasna wuxuu gaaray derejooyinkii xagga diinta ee dalka Soomaaliya lagu yiqiin tii ugu korreysey. Kuwaasoo ka koobnaa : Macallin, 
Aw, Wadaad, Xaaji iyo Shiikh. 

Lama hayo wax caddaynaaya markuu Maka ka soo noqday inuu doonni soo raacay oo badda soo maray iyo inuu baadiyaha «Yamaneed» soo maray iyo inuu meel kale u kacay. Dadka qaarkii waxay qabaan 
war ku-tiri-ku-teen ah inuu Masar tegey; taasna lama hubo wax raad ahna looma hayo. Midda aan muran ka joogini waxay tahay dhinac kasta ha ka yimaadee inuu sodcaalkiisii «Cadan» soo maray oo dhawr 
bilood joogey. Ammintaasna Soomaali badan ayaa magaalada «Cadan» degganayd, dhaqaalaha dalka Soomaaliyana aad buu «Cadan» ugu xirnaa
Xigasho Aw Jaamac Ciise

hits Hits : 3555