Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qisadi Kun-dile .. Nin Diqsi Laayey Oo Laga Dhigay Dilaa Qaatil La Yaqaan

Friday - Feb 17, 2017


Zaman hore iyo xiliyadi boqorada arlada Shaam, waxaa jiri jiray nin dukaan-ley ah oo maciishadiisa ka soo saaran-jiray tolida dharka , hasa ahaate xaalada dhaqaale oo waqtigaas dalkiisi ka oogmatay, waxaa ku timi in u si joogta ah u waayo cid u timaada oo dhar ka tolata taaso u keentay in maciishadi reerkiisa ku adkaato, isla markaana ay u dheereed inu fadhigi dukaanka ku caajiso.

Ninkaa dhar tolaha ah, waxay saaxiibadiisa ku xaman-jireen inu yahay biiq sida haada u carara .. dhar-tole oo shaqo la'aan awgeed dukaankiisa ku dhex caajisay, wuxuu bilaabay inu diqsiga dukaankiisa ku xoonsan babta ka saaro oo ka wadda dhigay meyd meelkasta daadsan, dabadeed markuu gurigiisa ku laabtay, wuxuu xaaskiisa u sheegay inu maanta soo dilay kun, isla markaana hirta waaberi ee beri marku hurdada ka soo kaco uu dili-doono illa shan kun iyo wax ka badan .. xaaskiisi oo aan hubsan waxa u soo dilay una qaadaty inu rag soo laayey, ayaa inta dariska u dustay ku tiri ninkeyga maanta wuxuu soo dilay kun nin , waxaase ka daran ayey tiri inu beri rabo inu soo dilo tiro shan kun iyo dheeraad.

Warkii oo la sii maleebeeyey sida haadana u duulay, ayaa daris ka daris illa xaafad ka xaafad ayaa warkii ninkii kun-dile meel kasta gaaray, waxayna noqotay akhbaar xiiso leh oo bulshadi degaanka wada gaartay illa dwaladaha jaarka. waxaana dhacday in ninkii dhar-tolaha ahaa loogu yeeray magaca kun-dile oo ay noqotay in meelkasta looga soo daawasho tago, laakin argagax iyo baqdin ay dadku ka qabaan ninkaas meelo fog fog ayey ka qooraansadaan oo intay si xam-xama farta ku fiiqaan ayey yiraahdaan wakaas wakaas kun-dile oo sidi shabeel ciil la dikrinaaya .. xasuuuqa u yaqaana xarago .. eegmadiisa libaax qofka ay kulman cabsi ba'an ku rida .. shansho aar ku taal libaax yaa shuqeyn-kara 

Cala ay xaal warkii kun-dile, wuxuu gaaray qasriga boqorka, taaso keentay in boqorkii iyo maamulkiisi u khalkhal galo iyago ka cabsi qaba in kun-dile dhib xagooda u keeni-karo .. laakiin boqorkii ayaa fikir ku helay inu ninkaan geesiga ee kun-dilaha ah u ka faaideysto sidaa daraaded, wuxuu amray in loo yeero oo u ku marti galiyo qasrigiisa, wuxuuna amray in ninkaas markuu imaanayo loo qabto maamuus iyo salan sharaf milatary lagu soo dhaweeyo.
Dabadeed iyadoo la fulinaayo amarkii boqorka ninkii kun-dile waxaa loo soo dhaweeyey si heer sare ah. isla markiina waxaa loo gudbiyey fadhigi boqorka oo ay halkaas sheeko ku dhex martay isaga iyo boqorka ..  bariido san dabadeed Boqorka ayaa kun-dile ku yiri waan maqlay inad tahay halyey lagu gabado, wuxuu kalo ku wargaliyey in Boqorada dariska la ah ay nafta u keenaan,waxaan dagaal ahayna xal uma yaqaaniin, oo boqortooyada kul iyo kar bey ku hayaan, sidaa darteedna u ka codsaday inu casaabadaan ka hawlgalo kuna joog joogsado kabaha la dulmaro, qaxooti ka dhigo boqoradaas cadawga ah.

Kun-dile oo codsiga boqorka la yaaban iyo marataba isago haada ka fuleysan la gaarsiyeey ayaa jawaabtiisi ku yiri: Boqrow ishaad ka riday, kuwaas aniga xageyga waa ka xashiish oo waxay dhadhamin-doonaan xanuun aad u daran ee boqorow arintaas ka seexo, balse boqorow kaliya ii diyaari ciidan fara-weyn aan ku dagaal tago .. boqorki ayaa isagoo faraxsan isla markiiba ciidan iyo saraakiil u diyaariyey, dabadeedna Kun-dile oo ciidankii horkacaya ayaa duulaan tagay .. dhinaca kale cadawgii oo awalba la socday sheeekada iyo dhaq-dhaqaaqa kun-dile ayey ka war heleen in ciidan duulaan ah ku soo fool leh oo u hogaaminaayo Kun-dile, halkaaso boqoradi arlada shaam joogay dhamaantood baqdin awgeed, la fariisteen oohin, fadhigi ka kici-waayeen oo shir deg deg ah iyo khidadi ay isaga caabiyaan ciidamada u hogaaminaayo Kun-dile dajiyeen .. labadi ciidan ayaa waxay isaga hor yimaadeen goob bartama ah, waxaana ugu horaanti goobti si mubaaraso ah isu soo baxay taliyihi ciidanka cadawga iyo taliye Kun-dile, dabadeede sidi loo sugaayey iney dagaal shablaata seef isku qaadaan ayaa kun-dile si farsamo farshaxan lama filaan ah isagoo isu ekeysiinaaya nin ciil la gariiraya cabsi awgeed ku kor dhacay taliyihi kale, kaaso dhiniciisa mooday inu jaceyl la hag-gareynaayo .. labadi dhinac ee ciidamada ayaa markiiba u qaatay in la heshiiyey oo ay qoloba dhinaceeda ku dhawaaqday alahuu Akbar .. kadib kun-dile ayaa ka codsaday taliyihi ciidankii cadawga ahaa in ay soo raacan oo abaal-gud ku martigalyo xarunti boqorkiisa, halkaaso boqorkii iyo shacabkii ay yiraahdeen; kun-dile iska daa inu ka adkaado cadawge xitaa wuxuu awooday inu ciidankii cadawga dhamaanti soo afduubo oo yagoo xir xiran keeno .. boqorkii iyo shacabkii iygoo faraxsan ayey salaatu shukri oogeen .. aaminta gureen oo farax la ilmeeyeen.