Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Boholyooga Caashaqa: Amirad Reer Jaban Oo Maratabadi Mansabka Ay Ku Lahayd Dalkeeda Uga Tanaasushay Wiil Ay Caashaqday Dartiis

Friday - May 19, 2017


Caashaqu la yaabb ma leh oo waa wax caadi ah oo ilaahay Aadamiga ku abuuray, weligiina waa u soo jiray .. Dadkana waxaa Lab iyo Dhedig looga dhigay iney is cajabiyaan .. hadaba Gabar uu awoowe u yahay Boqorka Jaban oo magaceeda la yiraa princess Mako ayaa caashaq ku habsaday, waxayna gabadhaas ku andacootay iney iska saari-weyday caashaqaa wiilka la yiraa Kei Komuro, balse waxay qoyskeeda ku tiri: caashaqeyga waa muhiim ee murugta iga dhawra, oo waxa keliya ee daawada ii ahi waa anigo wiilkaa aan jeclaaday hela, wiilkana waa ii musbaax iyo iftiin waa ii malab iyo macaan iyo manfac aan la hurin ee waxaa doonaya in si madal iyo aroos maddadaalo boqortooyada igu xalaaleyso, mansab iyo maratbo midna ma doonaayo ayey hadalkeedi raacisay, 

Sidaa awgeed, Emperor Akihito oo hadda dalka Jaban Boqor ka ah iyo qoyskii boqortooyada oo arintaa ka fajicisay, ayaa door biday in gabadhaas codsigeeda loo ogolaado, laakiinse sida sharciga boqortooyada dhigaayo ma daama wiilku u xaga nasabka Laan-gaab ka yahay waa iney ka tanaasusho Mansabka iyo Maratabada ay ku dhex lahayd dalka ee ahayd status-ka amiir-nimada ( princess) taasna si farax leh ayey Amiiradi Mako ku soo dhaweysay, dabadeena si damaashad iyo mashxarad leh la isla aqal galay.
Sida la sheegay Gabadhan iyo Wiilka waxay shan sano ka hor isku barteen jaamacad ay wada dhigan jireen oo la yiraahdo" international christian university in Tokyo" wiilka wuxuu hadda shaqa ahaan ka adeega Hay'ada " Law Firm Worker"

Waxaan soo qaadanaya dhowr maahmaah oo ah kuwa ugu caansan ee jaceylka laga yiri.oo In kastoo ay badan yahiin waxa laga yiri jaceylka, haddana qaarkood Mahmaahda ayaa ah hadal aad u gaaban balse xigmadeysan kana duwan gabayga iyo geeraarka,waxaana jira in inta badan soomaalida ay deegaan deegaan isku hadal gartaan, balse waxa aan isku dayi doonaa in aan ku soo qaato dhowr maahmaahood oo aan is leeyahay waa dhexdhexaad oo deegaan kuma koobna..
.
1-. Calafku waa sida mir geed saaran oo kale oo ma dooran karto halka ay dhulka kaga dhaceyso.
2- Faqriga marka uu albaabka ka soo galo jaceylkana daaqada ayuu ka baxaa.
3-Haween ilaahow yaaneyn na jeclaan nalagama karee,oo yaaney na nicin nalauma karee.
4- Hawo guur iyo hami jaceyl nabad baa leh.
5- In wax la jeclaado waa in nafta dhib la galiyo.
6- Indho is jacel isma eegi karaan.
7- Jaceyl aan dhun kasho laheyn wa sida shah aan sonkor laheyn.
8- Jaceyl aan hanti laheyn hawada ayuu guursadaa.
9- Jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin.
10. Jaceyl maqeybsamo.
11- Jaceyl wiil laguma dhalo.
12- Jaceylka dhabta ah ma duugoobo mana daxaleysto.
13- Jaceylka waa sariirta un.
14- Jaceylka waa cudur qofka la jacelyahayna waa daawo.
15- Jaceyka waa hadba aragtida qofka.
16- Jaceylku waa indho la’yahay.
17- Jaceylku waa naar.
18- Jaceylku waa sida mir geed saaran oo ma dooran karno qofka aan jeclaaneyno.
19- Jaceylku waa jin.
20- Hooyo la jacelyahay ilmaheeda lama tumo.
21- Maseyr badan jaceyl badan.
22- Ninka wax jacel waa indho la’yahay nagta waxa jacelse hal il bey la’dahay.
23- Qalbigu labo ruux mawado qaado.
24- Qof aad nacebtahay qof aad jaceshahay ayuu ku dhaafiyaa.
25- Qufac iyo jaceyl ma qarsoomi karan.
26- Qofka aan jacelnahay waa naqaan balse qofka na jecel manaqaan.
27- Qofka la jacel yahay waa sax markasta.
28- Sirta farxada nolosha waa in waxa la jeclaado.


hits Hits : 6657