Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 21 November 2017

Boqor Hayle salaase iyo M/weyne Siyaad Bare Oo Ka Wada Hadlay Qadiyada Ogaadeenya

Sunday - March 23, 2008

Boqor xayle salaase waxuu soomaliya yimid bishi julay 1974 isagoo markaas ka yimi dalka iiraan kana soo qayb galay xuskii taarikhiga ahaa ee u diyaariyey Boqorkii Shahanshah (king of king) Maxamed Reza pahlavi loona dabaaldagayey dhalashadi boqortooyada iiraan oo markaas jirsatay 3000sano.

Boqor xayla salaase oo hogaaminaayey wafdi lixaad leh waxuu u yimid Mogdisho inu markaas ka qayb galo shirka ururka OAU ee lagu qabanaayey  caasimada Mogadisho .. shirkaas oo madax ka ahaa madaxweyne maxamed siyaad bare., Xaylesalase waxaa gegada dayaaradaha ku soo dhaweyey madaxweyne Siyaad Bare iyo xukumadiisa iyo siiba dadweyne aad u fara badan oo xaafadaha mogdisha laga soo abaabulay oo iyagu si gaar ah loogu tala galay iney madaxda afrikaanka shirka ka qayb galaya ku soo dhaweyaan airaboorka.

Boqor xayle oo isaga iyo wafdigiisa ay markaas ka muuqatay murugo ka jirtay dhinaca adis-ababa  oo la sheegay in ciidamadi itoobiya ay gadoodeen oo qaadan la’yihiin awaamirti sarakiisha sarsare .. waxaana caasigarwgaas sida la sheegay bilaabay ciidamado itoobiyaan ah oo markaas saldhigooda fadhi ahaa Eretereya dabadeedna saameyn ku baahday ciidamada intooda kale ee fadhigoodu yahay adis iyo gobolada ku teedsan xaduuda dhinaca Somaaliya

Madaxda afrika oo shirkaas OAU si xoog leh uga soo qayb galay, shirka guud kadib mararka qaarkood waxay gali jireen shiirar u gaar ah oo albaabada u xiranyihiin si ay arimahooda siyaasadeed ee xasaasiga ah uga tashadaan go’aana u gaaraan, waxaana shirka halkaas ka socday madaxdi afrikaanka ku weydiyeen boqorka xaalada adis- ababa iyo dhaqdhaqaaqa ka jira .
Boqorka oo arintaas mar uga jawaabayey waxuu warkiisa ku soo koobay oo yiri “Ma jiraan wax gacan igu jira” waxaana ka muuqatay hadalkiisa nin xidigiisi sii dhacayo oo waqti gaaban u hareen.

Shirar gaar ah oo saacado qaatay ayey wada qaateen Maxamed siyaad iyo boqor Xayle oo laba jeer dhacay, waxaana dhex maray hadalo siyaasadeed iyo kaftan dhable badanaa maxamed siyaadu wax ku ujeedeynayey, hasa ahaate Boqorka ma noqon nin u soo dabca hadalada maxamed siyaad oo waxaad mooda nin yaqaanay waxa siyaad barre u kala hadlidoono siiba qadiyada gobolka ogaadeen, taaso u mar dambe ku qiray maxamed siyaad lafahaantiisa oo yiri  “Xayle waa boqor caqli badan wax kasta aan ku soo qaado waa yaqaana sida uga dabaasho” waxaase la yaab leh markii maxamed siyaad u ku qaxay 1991 buur-dhuubo ee degmada garbaharey, halkaasna kaga Eed sheegtay dadka soomaali waxaa u qabtay iyo sida ay ugu abaal gudeen ayuu dib u xasuustay hadalki boqor xayle oo carabka ku dhuftay sheeka dhex martay isaga iyo boqorka oo yiri “ Boqor xayle sorry maxuu wax ii sheegay, maxaan khashiin ka ahaa arimaha aduunka, maxaa dad iga abaal dhacay, maxaan qalad galay” iyo wayaabo la mid ah oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

Sida muuqatey ama la aaminsanaa waayo aragnimada siyaasadeed ee maxamed siyaad ma ahayn mid u dhiganta waayo aragnimada boqor xayle oo nus qarni soo jitameysey  loona qirsanaa inuu maskax badnaa, dawladaha waaweyna ee bari iyo galbeed ku haystey ixtiraam iyo qadarin, hasa ahaate maxamed siyaad oo ahaa nin afar sano oo kaliya xukunkiisa jiray kuna yareyd waayo aragnimada ma ahayn nin si dhaqso ah ku fahmikaray khamaarka siyaasadeed ee dawladaha waaweyn ay ciyaari jireen ,Ugu dambeyntiina waa tey iyagoo wada jira u heshiiyeen qarkana ka tuuray xukunkiisi .


Madaxwene Siyaad oo dhawr jeer ka sheekeyey wadahadalkii dhex maray isaga iyo boqorka waxuu ka sheegay in markii aan ku soo qaaday qadiyada Ogadeen u yiri “Ogaadeen waan heshiinay wax baana meel wada dhiganay, waana maqlay iney abti ku yihiin oo ku yimaadeen, laakiin ogow reer abtiyaasha anigana waa ii jeclyihiin waana ii yimadaan”  boqorka waxuu intaa raaciyey oo yiri “ Ogaadeenya darteedd dagaal ha ku galin, horumarka aad wado oo aan arkay yaan lagaa dhabqin , waxaana ka codsanaya inaad la hadasho wiilasha ka falaagoobay beeshooda oo dalkooda ku caasigaroobay” waxaana boqorku isla markaa carbaabay in dawladaha waaweyn ay dantooda Eeganayaan oo afrika aysan wax dan ah u hayeen ..Mareykan iyo Ruush markay dantooda gasho wey kuu heshiin ayuu yiri 

Boqor xayle salase  waxuu ku dhashay gobolka harar degmada Ejersa Goro.
Aabihiis waxa la oranjiray Raas Makonen waxuna noqday Gudoomiyaha Gobolka harar, waxuuna kula dagaalamay ciidamadi talyaaniga magaalada cadwa isago xiran darajada jeneraal.
 
Hooyadiis waxa la oran jiray: Yeshimebet Cali Abajifar.
Boqor xayle waxuu sheegan jiray inu ka soo jeedo boqoradi Saba’ iyo Boqor Saleemaan oo ku abtirsada reer Bani’israaiil…. Xayle waxaa la inqilaabay dhawr jeer laakiin midka ugu darnaa oo fashalmay waxuu ahaa midki ahaa sanadkii 1960 oo ay sameeyeen ciidamadi isaga gaarka ilaaladisa ahaa.

Boqor xayle waxuu xukunka Boqotooyada la wareegay 1936 laakiin waxu Exile ahaa  (1930-1941) waqtigaas oo ahayd dagaalki itoobiya iyo talyaaniga, waxaana la dilay oo qasrigiisa lagu ceejiyey  23 novembar1974 isaga iyo 60 sarakiil oo miidi itoobiya ahayd waxaa kalo isla waqtigaas la gawracay laba raisal wasaara ahaan jiray oo caalanka can ka ahaa.. hasa ahaate kooxdi Dergi oo dalka qabsatay waxay sheegeen in Boqorku dhintay 28 August 1975 sabab neefta ku noqotay awgeed isagoo lagu sameeynayo qalliin adag oo canasar ah (Brostate operation) laakiin takhtarkiisi gaarka ahaa Dr. Asarat Woldeys waa dafiray sheekadaas ay keeneen ciidamada “Dergiga”.
Boqor xayle waxuu dhalay dhinaca Menen Asfaw haile salase 6 qof.

by mhashi1@hotmail.com

                                    Galdogob Times News Desk


hits Hits : 28100