Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 April 2025

Waxaa Dipolomaasiyinti Reer Galbeedka Isku Wada Raacday In

Thursday - June 13, 2013

Waxaa daaha saarneyn in Somaliya ay soo martay marxalad adag, colaad iyo gaajo ay weli ku jirto, waxayna ummada gaartay  xili ay yiraahdaan" ilaahow hadaad dawlad wanaagsan noo weyday mid xun ma noo weyday, taaso micnaheedu yahay in loo baahdo dawlad nooca ay doontna ha noqote .. ilaahay oo naxariistiisa balaarantahay waxuu ajiibay codsigiisi adoomadiisa waxaana shacabkii qaylinaayey u dhalatay dawladi ay ilaah ka baryaayeen oo maanta Xasan Culusow madax ka yahay.

 
Xog rasmi ah oo Howlwadeenada Puntlandi ka heleen Illo Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay ka fiirsi iyo dub ugurasho ka bilowdey kalsoonidii iyo hankii laga qabay Dowlada Federaalka ah arintaan ayaa ka dambeysey ka dib markii Beesha caalamku ay u fiirsatey eedeymo loosoo jeedshey Xukuumada Xasan Sheikh tasoo qaar kamid ah beesha Caalamku ay indhahooda kusoo arkeen, waa sida aan Xogta ku helney.
Sida Wararka Dublamaasiyadeed lagu heley Beesha caalamku waxyaabaha dib ugurashada ugu wacan waxaa la shjeegey iney ugu wayntahay dhowr qodob oo ay iyagu darseen oo kala ah..
Dowlada Xasan sheikh iyo Al-shabaab oo u muuqda kuwo isku mabaadii ah iskuna dhex milmaya
DF oo bilowdey iney Awooda dowlad nimo ay isku koobaan dad Gaara ayadoo sii yaraanayaan Xiriirka Dowlada iyo Maamuladii horey u jirey,
Arimaha Jubooyinka oo Dowladu maareyn waydey, kuna guul dareysatey
Xiriirka Wadamada dariska oo sii xumaanaya iyadoo dowladu ogtahay ayna ulakac usii xoojineyso ama taaba galineysa waxyaabaha keeney Xiriir xumadaas.
Kulamo ka dhacay Nairobi uuna goob joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya  Nicholas Kay ahna Dublamaasi Ingiriis ah ayaa si hoose looga wadahadlay Xaalada Soomaaliya, waxaana la isla meel dhigey in Xukuumada Xasan Sheikh ay mugdi galinayso howlihii Dib uheshiisiinta ee Dowladdii Shariif Sheikh Axmed iyo dhamaystirkii Roadmap ka lagusoo bilaabay, Arimaha Jubooyinka ayaa iyana qayb ka ahaa ajandaha iyo Dastuurka Federaalka, Waxaa si aad ah la isulasoo qaadey Al-shabaab iyo hubka Soomaaliya yaal hada khatar ku haya Wadamada dariska.
Sida aan Warka ku helney Mudo gaaban ka dib markii cunaqabataynta hubka laga qaadey Soomaaliya  ayaa Dowlada Maraykanku codsatey in la hakiyo iney Soomaaliya hub soo iibsadaan sababo warar sirdoon oo laheley awgood, sidii loo qaadey Cunaqabatayntana Waxay Dowlada Federaalku dhowr jeer isku dayday iney hubsoo iibsadaan lakiin si toosa ayaa looga diidey, kulankaas Nairobi ayaa lagu cadeeyey arintaas.
Kulanka Nairobi ayuu daba socdey booqashadii shalay ay ku tageen Wadamo reer galbeed ahi Magaalada Muqdsiho, kuwasoo ahaa Wadamadii sida tooska ah ula shirey Madaxweynaha Puntland todobaadkii hore markii uu joogay Nairobi, horeyna bishii hore Garowe ayay maalin iyo habayn joogeen.
Nicholas Kay wuxuu todobaadyada soo socda aadayaa London si uu ugu waramo Raysal Wasaaraha Igiriiska warbixin koobana uga siiyo Xaaladaha kasoo cusboonaadey Dowlada federaalka ah, wuxuu ka dib ugudbayaa New Yorka halkaasna wuxuu wargalinayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.
Dhinaca kale IGAD waxay Midowga Afrika iyo Wadamo dhowra ugudbiyeen in sababo jira awgood in laga yaabo inay dib u dhigaan kulankii Jubooyinka ee Muqdisho lagu balansanaa ka dib Dagaalkii ka dhacay Kismaayo iyo arimo kale oo sibiirsadey awgood,
Waxaa iyana jira in Dowlada Itoobiya ay si toosa ula xiriirtay Dowladaha daneya Arimaha Soomaaliya iyagoo sheegey Walwalka ay ka qabaan Saraakiil sirdoonka Masar ah oo Muqdisho tagay iyo Warar hore oo ay sirdoonka Itoobiya hayeen oo sheegayay in Madaxweyne xasan Sheikh ugacan haatiyey Masar.
Puntlandi.com
Nairobi