Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dharaaro Xasuus Leh:Talo Dhaxal Ah Oo La Siiyey Siyad Bare "Doqon Ha Gargaarsan Keligaa Ma Lihide"

Thursday - December 11, 2014

Qiyaasta araund sanadkii 1974 waxaa dalkeena somaliya booqasho laba maalmood ku yimi boqorkii dalka Kambodia king Norodom Sihanouk oo waqtigaas laaji-refugee la gargaare ahaa kadib markii kursigi xukunkiisa sanadkii 1970 ay ka tukhaan-tukheeyeen milatarigi kambodiyaanka oo u hor-kacayeey raiisal wasaarihi dalkaas General Lon Nol

King Norodom Sihanouk oo waqtigi la inqilaabaayey safar ugu maqnaa magalada Moskow,ayaa inti dambe muddo Qaxooti ku ahaa dhinac dalka China illa u markii damba sanadki 2012-kii cimri 90-aad halkaa u ku dhintay, waxuuna horay iyo weligiisba xiriir wanaagsan la lahaa dalka China, oo ay si wada jira u taageeri-jireen jabhadi north vietnamese armay "viet cong" ee dagaalka kula jirtay US- Mareykanka

King Norodom Sihanouk oo dalkaas xukumaayey effective from 1953 to 1970 isagoo maalmo murugo culeys badan sarnaa weer cad u xirnaa, ciil iyo hinraagna ka muuqatay ayuu socdaal hiil-doon ah ku kala bixi-naayey dalalka beesha hanti-wadaga ee waqtigaas jiray waxuuna cagtiisa soo mariyey dalka somaaliya, gacmo furan,waji furan iyo laab-fayoobi haybad ku dheehantahay lagu soo dhaweeyey, waxuuna isla maalin-tiiba la kulmay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, kulamadaas oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan wasiiradi iyo golihii sare ee kacaanka, waxuuna isla goobtaa madasha kaga warbixiyey xaalada "civil war-ka " ay gashay Kambodiya iyo sidey nabadi u fadarooday iyo dhiiga halkaas ka qulqulaaya iyo gaar ahaan shirqolka inqilaabka CIA-da mareykanka ay dalka gudihiisa ku fara galisay, waxaana hadaladiisi aftahamada ahaa ka xasuusta oo u yiri: " Jaalle Siyaad Bare, waxaan nahay Dad iyo Dal kala dhaqan duwan, laakiin wadaaga afkaar iyo aaraa ku sal leh u hiilinta xuriyada iyo xuquuqda shucuubta dulman, waxaan jeclahay wax aan shib ka ahaa inaan maanta idin sharxo, waxaana soo hadal qaad mudan in horay laygula taliyey inaan maamulka dawladeyda ka fogeyo General Lon Nol, waxaana la igu yiri waa doqon, doqona ma xishoodo ficilna ma leh, waxaa kalo layga digay in nacam-leyntiisa iyo guul-wadeyntiisa waxba ka jirin ee ha ka dhigan Raiisal wasaare, hasa ahaate soo jeedintaas waan iska dhaga tiray oo inta taladi la ii siiyey meel xun dhigay ayaan go'aan kama dambeyn ah kula kufay magacaabisti general Lon Nol,laakiin isagu waxuu isu qaatay ruux muhim ah, waxaan is lahaa ninkaan dabaalnimadiisa wajiga laga wada dadbay oo doqonka lagu sheegay aan ka faaiideysto, oo waxaan ku xisaabtamay halku iga jiro cid ka soo dhacaysa ma jirto amase xitaa dabeyl so marin-karin " Timbaro"  mase dhicin ayuu hadalkiisi ku daray

King Norodom Sihanouk oo darenkiisa si gudbinaaya, waxuu intaa si raaciyey oo yiri: weligey waxaan is moodaayey rug cadaa silsilada taariikhda taxanaha qoran wax ka bartay, oo illa xad waayo-arag ku ahay noocyada ban'aadamka oo waxaan ku xisaabtamay waqtigaan iyo da'da aan ahay qiyaasuhu waxba kaama hoos bixi-karaan, laakiin waxaan ogaaday oo iga hoos baxday in doqon sidiisaba geed xun yahay, hiilna lahayn kaligaa lahayn, balse lagula lahaan-karo ee taas jaalayaal maanta iga qaata .. Doqon daan lagu dhufto ayuu leeyahay, oo hadal dux kama soo saaro .. waxaan ogaaday Jeneral Lon Nol intaan dalka safar uga maqnaa in isla markiiba rag CIA u kala dab qaada u yimaadeen una kireysteen sidaan ku bixi-lahaa,dhagta ugu sheegeen inu haysto jaanis u igu inqilaabo, oo dabadeed doqonka Lon Nol isagoo la soo basbaaseeyey aan tixgalin gacal wadaagi iyo amaanadi uu dabadeed ciidamo ku soo shaashiyey qasrigi boqortooyada oo halkaas awoodi dalka la wareegay, runtina haddaan halkaa joogi-lahaa waa xaqiiqa inu raqdeyda ku washiri-lahaa, waxuuna isla markiiba si tashi la'aan ah ku dhawaaqay "no longer a monarchy" ku badalay magaca "state of cambodia" King Norodom waxuu hadal gaaban ku yiri: waan garanaya waxa sidaas laygu galaayo oo waa guusha Vietnam ay gaartay oo aan anigu gacal u ahaa .. mana garanaayo kooxda wax inqilaabtay sidey wax ugu socon-doonaan ayuu hadalkiisi ku soo gaabiyey.

Fiiro Gaara: Maalintaas oo aan kulanka goob joog ka ahaa, waxaan muudka wajiga madaxweyne siyaad Bare ka dareemay sawir sidi shabeel il dabaaya oo kale si weyn u daneynaaya oraahda ka soo baxaysa Norodum Sihanouk .. is badal weyn indhaha si wacan u kala qaadaya ayaa isheyda qabaneysay oo aanan horay ugu arki jirin, koleyba waxaan isaga qaatay malahayga in Rag qaarkiis bacda oo kale ahaa ee la fariideeyey ee dhiniciisa u ka afuufaayey uu markaan ka shakiyey oo ay ku noqdaan sida jeneral Lon Nol, laakiin dareenkiisa waxuu si kordhay markaan ku soo laabanay xarunta madaxtooyada aan uga sheekeeyey shirqoolkii july 1944 ee Hitler lagu khaarijin-lahaa oo Marshal Erwin Rommel u ka diiday kooxdi afgambiga ku majaxaabineysay Hitler inu raaco kuna yiri: " waa ii muuqata in Adolf Hitler fuushan-yahay faraskii indhaha la'aa falkiisa dagaal isku cajibiyey oo wadankii jarmal iyo Yuruba isla lumeen, laakiin Hitler waa ii aaminsan-yahay oo dhagar kuma sameyn-karo" ayaa hadalkiisi ku jiray.. dabadeedna inqilaabkii marku fashalmay ayaa Adolf Hitler oo ahaa xulka marshaalkaas, waxuu ogaaday in Marshaal Rommel fikirka inqilaabka loola yimi balse ku gafsanaa inusan soo sheegin, laakiin ka qayb galkiisa diiday, sidaa daraadeedna Hitler waxuu ku khasbay "forced" marshaal Rommel inu suicide isku sameeyo oo u liqo kininiga dilaaga ah ee la yiraahdo "cayanide pill" .. Siyaad ayaa markaan sheekada dhameeyey igu yiri: Hadde somali ma laga hela rag noocaasa, waxaan ku jawaabay: madaxweyne waa dhici-karta balse bulsha kasta waa laga dhex helaa Rag damiir leh aamin gala sida Rommel amase qaar baa ah dhuxul dambas huwan sida Lon Nol oo kale ..  isagoo dhoola-cadeynaaya ayuu yiri waa runtaa ..                [email protected].


hits Hits : 7685