Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Wax Ka Ogow Cudurka Dhiig Karka Ee Dilaaga Ah

Friday - January 1, 2016



By Cabdi Caawiye-Waa maxay Dhiig karku?
Cadaadiska dhiiga ama pressureka dhiigu waxa uu ku xiranyahay hadba awooda uu wadnuhu ku shaqaynayo, hadii si kale loo sharaxano waa marka dhiiga wadnuhu tuurayo ama ka imanayaa ee waraabinya dhamaan xubnaha jirka intiisa kale uu cadaadis badan oo aan caadi ahayn ku soo tuurayo dhiiga.
Cadaadiska Dhiigu waa laba qaybood oo kala ah:

1- Systolic blood pressure Cadaadiska sare oo ah marka wadnuhu isku soo ururo ama jiidmo ee uu kadibna dhiiga tuurayo,

2- Diastolic blood pressure Cadaadiska Hoose waa marka uu wadnuhu soo karaar qaadanyo, ama nasanayo ee dhiig cusub qaadanayo si uu pump gareeyo.

Dhiig Karka ama Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya waxa loo yaqaanaa dilaha aamusan. Waa cudur aan lahayn calaamado digniin ah.
Waa maxay sababta dhiig karku halis u yahay?
Dhiig karku waa cudur culus. Marka cadaadiska dhiiggu sareeyo ama dhiig kar jiro, wadnahaagu waa inuu u shaqeeyo si ka xoog badan intii caadiga ahayd si uu dhiigga u dhaqaajiyo oo u cost of viagra gaarsiiyo dhamaan xubnaha jirka oo dhan.
Haddii aan loneoakchurchofchrist.com la daweyn, dhiig karku waxa uu kugu kordhin karaa suurogalka inuu kugu dhaco: –
xidid dhiig oo maskaxda ka xirma
– dhibaatooyin kelyaha ku dhaca
– dhibaatooyin indhaha ku dhaca
– dhimasho – wadne-qabad.

HABKA LOO CABIRO DHIIGKARKARKA AMA DHIIGABA

Dhiigkaraka waxaa in tabdana lagu cabiraa cabirka(millimetres of how does levitra work mercury mm).

Inta badan waxaa laysku raacsanyahay in 120/80 yahay caadiga,

Hadii cabirka dhiigu dhawr jeer oo kal duwan uu noqodo ama ku dhawaado

140/90 waxaad ubaahantahay in aad dhakhtar la xiriirtid.

MAXAA KEENA AMA SABABAH UU KU YIMAADO DHIIGKARKU

Marka aan lagaranayn sababta uu ku yimaado dhiigkarku waxaa lagu magacaaba (Primary or Essential hypertention)..

Marka sababta uu ku yimaado lagaranayo waxa la odhan karaa waxa keenay ama sababay in uu dhigkar yimaado sababahan.

1 Chronic Kidney diseases Cuduro ku dhaca xaga kalyaha

2 Diseases of kidney blood vessels, xanuuno ku dhacay Xidada kalyaha.

3 Hormonal dis orders (Khalkhal xaga dheecamada jirka),

4 Tumors( fiixaha amaburoyinka cancerka).

Noocan koowaad ee loo yaqaan primary hypertention ama essential hypertention lama yaqaan waxa keena ilaa haatan.

Laakiin dhakhtarku waxa uu ogaan karaa noocan labaad waa hadii uu qofka ka raadiyo xanuunada secondaryga ah ama labeeya, isaga oo adeegsanaya aqoontiisa , iyo qalabka caafimaad waana sidan hoos ku qoran

Dhiiga kalaya Kidney function test( urea.creatinine), kaadi(Urine analysis), cabirka wadnaha (ECG AMA EKG) IWM.

Sidee qofku u dareemaa dhiigkarka

Inta badan lama dareemo calaamado khaas ah, laakiin waxaa jira calaamdahan hoos ku qoran.

1. madax xanuun/daal/jaha wareer/dawakhaad.

2. dareenka gacmaha ama lugaha oo taga ama lawaayo numbness

3. dhiig sanka ka yimaada ama qufac dhiig wata(epistaxis.hymptysis .

4. neef aad ukhtar ah oo qofka qabata.

Calaamadahani waa kuwo inta badan la xiriira khasaaraha u ugu gaysto unugyada kale ee jidhka.

Cabdi Caawiye
[email protected]

hits Hits : 5226