Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Akhbaari Zamanki Hore .. Nabi Ayuub Iyo Ducadiisi: Eebow Dhibtii Way i Taabatay Adiguna Waxaad Tahay Rabbi Naxariistaa

Wednesday - May 30, 2018


Nabi Ayuub NKH, Waaxa uu ka soo jeedaa wiilkii uu dhalay Nabi Isxaaq oo la oran jiray Ciis kaas oo ay ka farcameen Dadka Roomaanka .. Nabi Ayuub waxa uu Eebe siiyey dhalinyaro-nimadiisii Ubad badan oo gaarayey illa14 caruura, xaasas fiican, Beero wax walba ka baxaan iyo xoolo nooc kasta isugu jira, sidoo kale waxa uu lahaa Dad badan oo u adeega, kana shaqeeya hantidiisa.

Nabi Ayyub Muddo Todobaatan sano ah ayuu ku noolaa Nimco iyo Barwaaqo, balse hal mar ayaa waxa is badalay xaaladiisi, waxa asiibay xanuun jirkiisa mraba qayb go'ayso, kadibna xoolihii iyo shaqaalihii ayaa ka baxay, sidoo kale waxa ka geeriyooday dhammaan Ubadkii uu dhalay oo mid mid u dhintay.

Dadki ka ag dhawaa ee ehelkiisa waa ka haajireen, xita xaaskiisii waxaa ka soo hartay mid qura oo sida la xusay u Awoowe u ahaa Nabi Yuusuf , waxayna noqotay gabar faqiira, halkii ay shalay ka ahayd gabar hanti leh, waxay dantii ku kaliftay inay shaqo tagto oo ay u khidmayso guryaha, si ay ula soo baxdo nolol maalmeedka, laakiin Nabi Ayuub saas oo ay tahay waxuu ahaa adoon aan ka caajisin Dikriga Eebe.

Maalin maalmaha ka mida ayey xaaskiisu ku tiri Nabi Ayuub; maxaad Eebe u baryi wayday ha kaa dul qaado dhibta ku haleeshay, Nabi Ayuub waxa uu dhahay: ma xasuusataa inta sano ee aan caafimaadka qabay, xoolana haystay? xaaskiisii waxay tiri: Waa 70 sano waanad caafimaad qabtay oo ku noolayd nolol barwaaqo leh, wuxuu dhahay Nabi Ayuub Eebe waxa uu ii barwaaqeeyey 70 sano ee miyaanan dhibta u Samrayn 70 sano oo kale.

Maalintii danbe ayaa  laba wiil oo la dhashay Nabi Ayuub ayaa dhahay: Ayuub danbiyadii uu galay ayaa lagu ciqaabay, markaasu Nabi Ayuub maqlay kadibna waxa uu baryey ilaahay oo Yiri ”Eebow haddii aad ogtahay inaan seexday habeen anoo og in cid magaalada ku nooli baahantahay i rumayso, Eebena waa rumaystay, haddana waxa uu yiri: Eebow haddaad ogtahay in aan laba shaati gurigayga dhigtay ayadoo aan ogahay ruux baahan oo aradan inuu magaalada joogo i rumayso, Eebana waa rumayeey. Labadii wiil ee walaaladiina way maqleen markuu Eebe rumaynayey.

Nabi Ayuub waxa uu Samray mudo dhan 18 Sano, oo dhibtu marba marka ka danbeysa ay kasii kordhaysay.

Ugu danbayn xaasii Nabi Ayuub waxa loo diiday shaqadii, dadkiina albaabada ayey kasoo xirteen, kadib markay aragtay inaanay wax cunto ah haynin ayey iska jartay timaheedii oo iib geysay, markaasay kusoo gaday cunto si ay saygeeda u siiso.

cuntadii ayey u keentay Nabi Ayuub, markaasuu waydiiyey xaaskiisii meesha ay ka keentay cuntada sababtoo ah wuu ogaa in shaqadii laga cayriyey.

Xaaskiisii way ka warwareegtay inay u sheegto warka laakiin Nabi Ayuub waa ku adkaystay, waana ku celceliyey kadibna way u warrantay una sheegtay inay gaday timaheedii.

Nabi Ayuub markuu arkay in dhibtii meel aad uxun gaartay ayuu Eebe Wayne baryey oo dhahay ”Eebow dhibtii way i taabatay adiguna waxaad tahay rabbi naxariista.”

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu nadray inuu boqol UL ka jaro xaaskiisa haddii uu caafimaado.

Maalintii danbe ayaa farajkii Eebe yimid, waxaana la faray Nabi Ayuub inuu lugihiisa dhaqaajiyo, kadiban istaago oo ku qubaysto biyo kasoo burqaday gurigiisa,  sidoo kalena waxa la amray inuu cabo biyaha.

Markuu ku qubaystay ayuu ka ladnaaday xanuunkii jirka sare, dabadeedna waa cabay biyihii markaasuu ka bugsaday xanuunkii jirka iyo gudihiisa, waxaanu isu badalay Nin dhalin yaro ah.

Xaaskiisa ayaa timid guriga wayna wayday saygeedii, markaasay mooday in bahal cunay. Kadib waxay aragtay Nin dhalinyaro ah oo aad u qurux badan, markaasay waydiisay inuu arkay Nabi Ayuub,

Ninkii waxa uu ku yiri ayuub waa aniga, oo waxa i shaafiyey Eebahay. Farxad iyo damaashaad kadib waxa  Eebe qadaray inay xaaskiisuna da’yaraato, oo dhalin yaro ay ku noqdaan labadoodiiba. Sidoo kale Eebe wuxuu usoo celiyey Ubadkoodii, beerihii iyo shaqaalihii dhamaantood. Maasha’allah.

Waa nimco iyo naxariista Eebe, waxaana ku guulaysta ciddii samirta. Nabi Ayuub waxa loo dhalay ubad ka badan kuwi hore, iyo xoolo ka badan.

Waxaa la sheegaa in Dahabku samada uga soo dhici jirey Nabi Ayuub iyo ehelkisii. Waxayna ku noolaadeen nolo barwaaqo ah .. Eebana waxa uu ubalan qaaday nolol raaxo badan.

hits Hits : 4598