Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Guushi Xuriyada Shacabka Ogaadenya Oo Halki Ugu Wanaagsaneyd Mareysa .. Itoobiya Oo Liiska Argagixisada Ka Saartay Ururadi Hubeysnaa

Thursday - July 5, 2018



Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa fadhi degdeg ah oo goor dhow yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Boqolaal maxaabiis oo u xirnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Itoobiya ayaa horay u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo khatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.