Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gabadhi U Guursan Lahaa Jamal Khashoogi Oo Jawaab Siisay Madaxweyne Trump

Saturday - October 27, 2018


Hatice Cengiz oo ah Gabadhii u doonayd weriyaha Sacuudiga u dhashay ee la dilay Jamaal Kaashogji ayaa sheegtay inay diiday casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah inay booqasho ku tegto aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi, Waxayna eedeysay Mareykanka in uusan daacad ka ahayn baaritaanada dilka Wariye Khashojji.

Gabadhan oo ilimaynaysay ayaa kasoo muuqatay wareysi telefishinka Turkiga uu la yeeshay, waxayna ka hadashay sida uu dareenkeeda ahaa maalinkii ay waaysay Jamaal Khaashogji isla markaasna waxay sheegtay haddii ay ogaan lahayd in Sucuudiga ay doonayaan inay dilayaan Jamaal aysan u ogolaanin inuu galo qunsuliyadda.

“Waxaan codsanaya in dhammaan dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Kaashogji la ciqaabo, maxkamadda la horkeeno” ayay tiri Hatice Cengiz.

Hatice Cengiz waxay sidoo kale sheegtay in saraakiisha Sucuudiga aysan la soo xiriirin ila hadda balse aysan tegi-doonin Sucuudiga si ay uga qayb gasho aaska Kaashogji inta laga helayo maydkiisa.

In Kasto Dawladda Sucuudiga ay markaan qiratay dilka Suxufiga, hasa ahaate waxay horay u beenisay in qoyska boqortooyada ay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal, oo lagu dilay gudaha qunsuliyadda Turkiga saddex toddobaad ka hor.