Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ama Waa La Muuqdaa Ama Waa La Maqanyahay .. Ordogaan Oo Maanta Furay Garoon Dayaaradeed Cusub Qaab Qiimeyn Qurux Iyo Muuqaal Kan Aduunka Ugu Weyn Noqday

Tuesday - October 30, 2018

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa xariga ka jaray mid kamid ah garoomada Diyaaradaha Aduunka ugu weyn, waxaana dhismaha garoonkan uu socday dhowr sanadood.
Sida La Sheegay Garoonka Waxaa markiiba ku soo degi-kara 114 dayuuradood 

Munaasabad xariga looga jarayay garoonkan cusub ayaa maanta lagu qabtay gudaha garoonka Diyaaradaha Istanbuul, waxaana munaasabada ka soo qeyb galay Madax kala duwan oo ka kala socotay ilaa 18-dal oo Turkiga saaxiib dhaw la ah.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo xariga ka jaray garoonkan casriga ah ayaa sheegay in farxad u tahay in maanta dalkooda laga furo mid kamid ah garoomada Dunida ugu weyn, waxa uuna sheegay in faa’iido badan u leeyahay garoonkan cusub.

Garoonkan cusub ayaa dhismihiisa waxaa ku baxay balaayiin Dollar, waxaana la filayaa sanadkii ay ka ka duulaan ama kasoo degaan garoonkan rakaab ku dhaw 200 oo milyan oo qof.

Garooka Diyaaradaha Ataturk ayaa la filayaa in la xiro loona wareego kan cusub ee Istanbuul , waxaana garoonka cusub hada kusii shaqo bilaabaya diyaarada Turkish Airways ee u duulaya Waqooyiga Qubrus iyo sidoo kale dalka Azerbaijan.

Garoonkan cusub ayaa kamid noqonaya kuwa ugu weyn dunida sidoo kale la filayo in uu kamid noqdo kuwa ugu mashquulka badan, waxaana garoonka loo dhisay qaab qurux badan oo lagu indha daraan darayo.