Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Soo Dhaweyn Wanaagsan Iyo In Dheefta Qaranka Loo Sinaado .. Prof. Cali Ciise Oo Damac Ka Hayo Inu Ka Qaybgalo Tartanka Madaxweyneha Puntland

Tuesday - December 25, 2018



Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Prof. Cali Ciise Cabdi ka qeybgali-doono doorashada Madaxweyne ee Puntland sanadkan .. Sida ay wararku sheegayaan uma tartamayo xilka Madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweynaha ayuu u ordi-doonaa.

Cali Ciise Cabdi waa aqoon-yahan aad ugu takhasusay dhaqaalaha oo jagooyin sar sare ka soo qabtay Bangiga Aduunka iyo hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF), Sidoo kale waxa uu ku dhawaad 30 sano dalal badan oo African ah la taliye ugu ahaa dhinaca kobcinta dhaqaalaha.

Haddii ay dhacdo in Cali Ciise isu-sharraxo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa la filan-doonaa in siyaasiyiinta qaarkood ee Puntland saluug ka iimaan-doono waayo Caadiyan wali ma dhicin in shaqsi sidaas miisaan u leh oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (Dhulbahante) isu soo sharraxo xika Madaxweyne ee Puntland.Taaso wal wal badan ku abuuri-doontaa shakhsiyaad musharaxiinta ka mida oo qaba iney xilkaa 20-kii sano ee ay Puntlad jirtay jagadaas iyaga u xirantahay.

Cali Ciise Cabdi waxa uu ka mid ahaa aas aaseyaashii maamulka Khatumo State ee 2012 lagu dhisay magaalada Taleex, Waxa uu ahaa siyaasi isaga iyo Cali Khalif aad uga soo horjeeda in beesha Dhulbahante wax la wadaagto Majeerteen, taas waxa ay abuuri-doontaa gadood uga yimaada siyaasiyiinta Puntand oo ay arinkaa ku qoonsan-doonaan.
Cali Ciise weli ma xaqiijin musharaxnimadiisa, balse baraha bulshada waxaa si weyn la’isula dhexmarayaa eedo hordhac ah oo loo jeedinayo iyo digniin ku saabsan musharaxnimada Cali Ciise Cabdi.

Waxaa la tilmaamaya in Sicir barar ku dhici doona Xildhibaanada Puntland .. Hore waa loo ogaa, in sanadkan xildhibaanada Puntland ay ka dhargi doonaan dhaqaale tiro badan, hase ahaatee is sharrixida shaqsi Cali Ciise Cabdi oo kale ah, oo la fahansan yahay in uu gacan-saar la leeyahay dowladda Dhexe waxa ay cirka ku toil doontaa qiimaha lagu kala iibsanaayo xildhibaanada.