Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Maxbuus Roobow Oo Diiday Inu Dawlada La Galo Heshiis Suul Iyo Saxiix Leh Warbaahintana La Hadlo Oo Shacabka Konfur Galbeed Iyo Beesha Caalamka Ookiyaale U Galiyo

Monday - December 31, 2018


Warar hoose oo la soo xigtay ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu maalmahaan oo dhan ka biyo diiday inuu heshiis saxiixo isla markaana Warbaahinta la hadlo , wuxuuna si gaara u diiday in uu saxaafada u sheego in asaga iyo dowlada ay heshiis yihiin kuna qanacsan-yahay maamulka gacan ku rimiska ah ee dowladu ka dhoob dhoobtay Baydhabo.

Villa Somalia ayaa si joogta ah wada hadal kula jirta Mukhtaar Roobow oo Maxbuus ah iyadoo taageerayaasha shacabkiisa ay u aqoonsan yihiin madaxweyne u af-duuban dawlada Fedaraalka oo dulmi ku xiran, isla markaana marki Rag doorashada ku kala haraayey si gardaro oo bareera dawladu jeelka dhigtay musharax Roobow, waxaana ila shalay la qorsheynayay inuu Warbaahinta la hadlo balse Shuruudaha qaar ayaa weli la isku mari la’yahay oo ah kuwa kor ku xusan.

Dowlada Dhexe ee Fedaraalka ayaa dooneysa in  Mukhtaar Roobow ay madax-furasho ugu dhigto beesha caalamkana ookiyaal been ah u surto oo afkiisa ku sheego in wixii khilaaf ama is fahamwaa ahaa la xaliyey laakiin wadaadka Roobow waa uu diidey oo beeni waa xaaran shacabkana ma khayaani-karo ayuu yiri.