Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ergeyga Qaramada Midoobey Oo Ku Dhagan Wasiirka Amniga DF .. Xariga Mukhtaar Robow Sharciga Qabtay Meel U Jiro Sheeg Hadaad Taqaan

Tuesday - January 1, 2019



Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay inay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan December, iyo dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo dhaawacmay, iyo weliba qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-ka, dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan 48 saacood inkastoo la sii daayay muddadii u dhaxaysay 18-22-ka Diismabar.

Nicholas Hyasom waxa uu warqadda ku sheegya in dadka la qabqabtay la sheegya inay u badnaanyeen carruur.
Waxa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xidhnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegay in Qaramada Midobay ay haatan taageero siiso ciidamada boolisika federaalka iyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Waxa uu Haysom warqaddaasi ku sheeegay inuu warqad ka helay Midowga Yurub, Jarmalka iyo Britain kuwaasi oo u sheegay inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada boolisika Koonfur Galbeed, iyaga oo sabab uga dhigaya hab dhaqanka ciidanka booliiska Koonfur Galbeed ee xilligii doorashada iyo hadallo uu jeeeidyey Taliyaha ciidamada Koonfur Galbeed.

Waxa uu ku sheegay warqaddaasi in warar lagu kalsoon yahya ay u sheegeen in qabashda Mukhtara Roobow ay ka dambeeyeen ciidamada Itoobiya qaybtooda fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba.
 
Waxa uu sheegay in muddo kooban lagu hayey xarunta ciidamada 3aad ee AMISOM oo ah kuwa Itoobiya kadibna lagu wareejiyey ciidamada amniga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu helay warqaddii ay wasaaradda amniga ka qortay xariga Roobow balse ay cuskatay inuusan ka soo wada bixiin shuruudihii dhaqan celinta iyo inuu hub iyo ciidan soo galiyey magaalada Baydhaba si uu xasilloni darro u abuuro.

Haysom waxa uu sheegay in haddii eedahaas la xaqiijiyo ay yihiin kuwo culus,. Hase yeeshee waxa uu sheegay inaan weli Roobow la hor keenin maxkamad, isla markaana aan dambi lagu soo oogin.

Haysom waxa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow, ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.

Waxaa kale uu ugu baaqay inuu soo sheego tallaabooyinka la qaaday si loogu baahdo xaaladda ay ku dhinteen dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay intii u dhaxaysay 13-15 kii Diisambar, ciidamada hawsha ku jiray makrii uu socdeen banaanbaxyasa Baydhaba iyo su’aalo kale.