Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Diinta Islaamka Oo Galeysa Guri Kasta .. La Taliyihi M/weynihi Hore Ee Mareykanka Digtoor Robert Crane Oo Islaamay

Friday - January 25, 2019


Diinta Islaamku waa diinta kaliya ee Ilaahay raali uga noqday bani aadamku inay diin ka yeeshaan, hase ahaatee dadka badankoodu ma oga ama maba dareensana in diinta Islaamku tahay diinta kaliya ee lagu badbaadayo Aduun iyo Aakhiraba .. Diinta Islaamka oo lagu hayo weeraro aad u ba’an ayaa hadana ah diinta ugu faafinta badan Caalamka, waxaana soo islaama sanadkasta malaayiin qof oo qaabab kala duwan kusoo hanuuna,  Ilaahayna subxaanahu hadii uu doono inuu cid soo hanuuniyo wuxuu fahansiiyaa diinta Islaamka.

Dadka Allah soo hanuuniyeyna waxa kamid ah ninkii la-taliyaha u ahaa madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Richard Nixon. Ninkan waxa la yiraahda Dr Robert Crane, wuxuu ku dhashay magaalada Cambridge ee dalka Maraykanka, wuxuuna wax ku bartay jaamicada Harvard University, isagoo ku takhasusay qawaaniinta guud iyo xeerarka caalamiga ah.

Sanadkii 1963 kii ayaa loo doortay inuu noqdo la-taliyaha dhanka arrimaha dibadda ee madaxweynahii Maraykanka ee Nixon. Sanadkii 1969 kiina waxa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka golaha amaan ee Aqalka Cad ee Maraykanka. Dr Robert Crane wuxuu mudo ka shaqeeyey dalka Imaaraatka Carabta, isagoo ahaa safiirkii dalka Maraykanka u fadhiyey wadanka Imaaraatka Carabta.

Intuu shqadaas ku gudo jiray wuxuu aad u daneeyey diraasaadka Islaamka isagoo ka qayb-galay dhawr shirar oo lagaga hadlayey Islaamka, wuxuuna halkaas kula kulmay Sheekh Suudaaniya oo tukanayey Salaada, wuuna la yaabay in qof Bani-aadam ah isu dulleeynayo cid kale, dabadeedna wuxuu bilaabay cilmi baaris ku aadan diinta Islaamka. Ugu danabyna wuxuu ku qancay inuu Islaamo, kadibna  wuxuu iska badalay magiciisii, isagoo la baxay Faaruuq Cabdil-xaq.

Dr Faaruuq Cabdil-xaq wuxuu qoray kutubo badan isagoo difaaca diinta Islaamka sidoo kalena dadka u sharraxa macnaha dhabta ah ee Islaamka, waxaana halkaas inooga cad in diintan Islaamku ay galayso guri kasta sidoo sheegay Rasuulkii Ilaahay (scw) : “Diintani waxay gaaraysaa meesha ay habeenku gaaro iyo meesha maalin gaartaba, Allahna kama tagayo guri Miyi iyo guri Magaalaba haday jiraanba wuxuu galinayaa diintan, wuxuuna ku sharfayaa ku sharfan, wuxuuna ku dulleynayaa ku dullaysan, sharf Alle ku sharfayo Islaamka iyo dullinimo Alle ku hoojinayo gaalada”

hits Hits : 2453